Yacquub 1:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 3:27 : 27 Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.
  • Mat 7:11 : 11 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
  • Tir 23:19 : 19 Ilaah ma aha nin been sheego; Mana aha binu-aadmi qoomameeyo. Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn? Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?
  • 1 Yoox 1:5 : 5 ¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.
  • Mal 3:6 : 6 ¶ Ilma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.
  • Cib 13:8 : 8 Ciise Masiix waa isku mid shalay iyo maanta iyo weligiiba.
  • Yac 3:17 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.
  • 1 Kor 4:7 : 7 Waayo, yaa kaa soocay? Maxaad haysataa oo, aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin?
  • Luuk 11:13 : 13 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
  • Yoox 8:12 : 12 ¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.
  • Sab 84:11 : 11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
  • Sab 122:6 : 6 Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
  • Maah 2:6 : 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
  • Daan 2:21-22 : 21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta. 22 Wuu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa.
  • Yoox 1:9 : 9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
  • Bax 31:3-6 : 3 oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah, 4 inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, 5 iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah. 6 Oo bal eeg, waxaan isaga la doortay Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan; oo inta xigmadda leh oo dhan waxaan qalbigooda geliyey xigmad, inay sameeyaan wixii aan kugu amray oo dhan;
  • Ef 2:8 : 8 Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,
  • Cib 1:11-12 : 11 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa; Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan, 12 Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
  • Titus 3:3-5 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay. 4 Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen, 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah,
  • 1 Yoox 4:10 : 10 Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo.
  • Muj 21:23 : 23 Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka.
  • Muj 22:5 : 5 Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood.
  • Tir 11:17 : 17 Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.
  • Bil 1:2-5 : 2 Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha. 3 Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday. 4 Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii. 5 Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, isla maalin ah.
  • Bil 1:14-15 : 14 ¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado; 15 oo iftiimmo ha u noqdeen meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay.
  • Bil 41:16 : 16 Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed.
  • Sharc 4:19 : 19 Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.
  • 1 Sam 15:29 : 29 Kan xoogga reer binu Israa'iil ahna been sheegi maayo, qoomamaynna maayo; waayo, isagu ma aha nin qoomamooda.
  • 1 Taar 22:12 : 12 Oo Rabbigu ha ku siiyo xigmad iyo waxgarasho, oo amarka reer binu Israa'iilna ha kuu dhiibo si aad u dhawrtid sharciga Rabbiga Ilaahaaga ah.
  • 1 Taar 29:19 : 19 Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.
  • Sab 19:1-8 : 1 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa. 2 Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon. 3 Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin. 4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda, 5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya. 6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan. 7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa. 8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
  • Daan 2:27-30 : 27 Daanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona; 28 laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta. 29 Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona. 30 Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yac 1:18-20
    3 aayado
    79%

    18Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.

    19¶ Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo;

    20waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.

  • 16Yaan laydin khiyaanayn, walaalahayga aan jeclahayow.

  • Yac 1:4-8
    5 aayado
    74%

    4Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.

    5¶ Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.

    6Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto.

    7Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono.

    8Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.

  • 17Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.

  • 5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

  • Yac 1:12-14
    3 aayado
    70%

    12¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.

    13Midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, Xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo.

    14Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.

  • 70%

    3¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,

  • 2 But 1:3-4
    2 aayado
    69%

    3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.

    4Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.

  • 17Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin.

  • 9Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.

  • Yoox 1:16-17
    2 aayado
    69%

    16Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.

    17Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.

  • 17Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

  • 7si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix;

  • 17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.

  • 24¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,

  • 8Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.

  • 1 But 1:3-4
    2 aayado
    67%

    3¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Naxariistiisa badan aawadeed ayuu mar kale ina dhalay inaynu rajo nool ku helno sarakiciddii Ciise Masiix ka soo sara kacay kuwii dhintay,

    4oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.

  • 23Idinka mar kale laydinkuma dhalin abuur baabba'aya, laakiinse waxaa laydinku dhalay abuur aan baabba'ayn oo ah erayga Ilaah oo nool oo waara.

  • Yac 3:9-10
    2 aayado
    67%

    9Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray.

    10Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.

  • 3¶ Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan,

  • 1¶ Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,

  • 27Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.

  • 15Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada.

  • 12Mahad baannu u naqaynaa Aabbaha inaga dhigay kuwa istaahila inay ka qayb qaataan dhaxalka quduusiinta nuurka ku jirta.

  • 17Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan,

  • 27Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.

  • 19Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,

  • 17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

  • 66%

    15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.

    16Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.

  • 7¶ Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan.

  • 5Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.

  • 6Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.

  • 17in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.

  • 3Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

  • 11Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.

  • 2¶ Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,

  • 66%

    7Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.