Yeremyaah 20:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 39:3 : 3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
  • Ayuub 32:18-20 : 18 Waayo, waxaa iga buuxa erayo; Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba. 19 Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato, Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan. 20 Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.
  • Fal 4:20 : 20 waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.
  • Yer 6:11 : 11 Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.
  • Yex 3:14 : 14 Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.
  • Fal 17:16 : 16 ¶ Haddaba Bawlos intuu Ateenay ku sugayay iyagii, ruuxiisu waa kacay markuu arkay magaalada oo sanamyo ka buuxaan.
  • 2 Kor 5:13-15 : 13 Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin. 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
  • Fal 18:5 : 5 ¶ Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.
  • 1 Kor 9:16-17 : 16 Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin. 17 Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn, weli wakiilnimo baa laygu aaminay.
  • Luuk 9:62 : 62 Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.
  • Yoox 1:2-3 : 2 Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. 3 Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.
  • Yoox 4:2-3 : 2 (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen), 3 ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.
  • Fal 15:37-38 : 37 Barnabas wuxuu doonayay inay kaxaystaan Yooxanaa oo la odhan jiray Markos. 38 Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.
  • 1 Boq 19:3-4 : 3 Oo isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey. 4 Laakiinse isagii intii maalin socodkeed ah ayuu cidlada sii dhex maray, oo intuu meel yimid ayuu hoos fadhiistay geed rotem la yidhaahdo; oo wuxuu weyddiistay inuu dhinto, oo yidhi, Rabbiyow, haatan waabase naftayda iga qaad, waayo, anigu kama aan fiicni awowayaashay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan.

  • Sab 39:2-3
    2 aayado
    77%

    2Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa, Tiiraanyadaydiina waa kacday.

    3Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,

  • 10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.

  • 13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • 3Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.

  • 10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • 11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

  • 14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • 19Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.

  • 19Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka.

  • 35Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.

  • 19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 29Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?

  • Yer 15:16-17
    2 aayado
    70%

    16Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.

    17Ma aanan dhex fadhiisan shirka kuwa wax ku qosla, oo ma aanan rayrayn innaba, laakiinse keligay baan gooni u fadhiistay gacantaada i dul saaran aawadeed, waayo, waxaad iga buuxisay dhirif.

  • 9¶ Qalbigaygii uurkayguu ku qarracmay waana nebiyada daraaddood, lafahayga oo dhammu way wada ruxmadaan, oo waxaan la mid ahay nin sakhraan ah oo khamri ka adkaaday, waana Rabbiga iyo erayadiisa quduuska ah daraaddood.

  • 6Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?

  • 2Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • 15Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.

  • 11Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.

  • 9Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.

  • 9Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.

  • 15Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

  • Yer 11:19-20
    2 aayado
    69%

    19Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan.

    20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 14¶ Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.

  • Sab 22:14-15
    2 aayado
    69%

    14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

    15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 23Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!

  • 18Waayo, waxaa iga buuxa erayo; Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.

  • 1¶ Jeeray xaqnimadeedu sida nuur u soo dhalaasho, oo ay badbaadadeeduna sida laambad baxaysa u soo dhalaasho, anigu Siyoon daraaddeed aamusi maayo, oo innaba Yeruusaalem daraaddeed nasan maayo.

  • 27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.

  • 20Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono? Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?

  • 3Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.

  • 49Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waxay iga yidhaahdaan, Sow isagu masaalooyin kuma hadlin?

  • 8Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.

  • 22Oo kan soo cararay intuusan ii iman markay fiidkii ahayd gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Rabbigu afkayguu furay, oo ilaa uu aroortii dambe ii yimid ayaa afkaygii furnaa, oo aniguna mar dambe carrablaawe ma aan ahayn.

  • 3Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay.

  • 20Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.

  • 20Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.

  • 14Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin, Oo aan afkiisa murammo ku jirin.

  • 9Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.

  • 27Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,

  • 12Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa, Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.

  • 17Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 13Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.