Yeremyaah 36:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddaba markii Yehuudii saddex amase afar qaybood akhriyey ayaa boqorku mandiil ku gooyay, oo wuxuu ku dhex tuuray dabkii girgiraha ka baxayay, ilamaa kitaabkii duudduubnaa uu ku wada baabba'ay dabkii girgiraha ka baxayay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 22:8 : 8 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Weli waxaa jira nin kale oo aan Rabbiga wax ka weyddiin karno, kaasuna waa Miikayhuu ina Yimlaah, laakiinse waan nebcahay, maxaa yeelay, isagu wax wanaagsan igama sheego wax xun mooyaane, oo Yehooshaafaadna wuxuu ku yidhi, Boqorow, saas ha odhan.
  • 1 Boq 22:27 : 27 oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo.
  • Maah 1:30 : 30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
  • Maah 13:13 : 13 Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.
  • Maah 19:21 : 21 Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.
  • Maah 21:30 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
  • Ish 5:18-19 : 18 ¶ Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale, 19 kuwaasoo yidhaahda, Isagu ha soo dhaqsado, oo shuqulkiisana ha soo deddejiyo, si aannu u aragno aawadeed, oo Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil taladiisuna ha soo dhowaato oo ha timaado, si aannu iyada u aqoonsanno aawadeed!
  • Ish 28:14-15 : 14 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed kuwiinna wax quudhsada oo dadkan Yeruusaalem deggan u taliyow erayga Rabbiga maqla. 15 Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,
  • Ish 28:17-22 : 17 Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada. 18 Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa. 19 Oo markay dhacaysoba way idin kaxaysan doontaa, waayo, waxay dhici doontaa subax ka subax, iyo habeen iyo maalinba, oo in warka la garto waxay noqon doontaa cabsi uun. 20 Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo. 21 Waayo, Rabbigu wuxuu u soo kici doonaa siduu Buur Feraasiim ugu kacay, oo wuxuu u cadhoon doonaa siduu dooxada Gibecoon ugu cadhooday, inuu sameeyo shuqulkiisa, waana shuqulkiisa yaabka leh, iyo inuu falintiisa falo, waana falintiisa aan la fillayn. 22 Haddaba sidaas daraaddeed ha noqonina kuwa wax quudhsada yaan waxa laydinku xidhay idinku sii adkaynine, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammada waxaan ka maqlay xukunkii baabbi'inta ee uu dhulka oo dhan la damacsan yahay.
  • Yer 36:29-31 : 29 Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa? 30 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay. 31 Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.
  • Muj 22:19 : 19 oo haddii nin wax ka qaado erayadii kitaabka wax sii sheegiddan, isna Ilaah baa qaybtiisa ka qaadi doona geedka nolosha iyo magaalada quduuska ah iyo waxyaalaha kitaabkan ku qoran.
  • Sharc 29:19-21 : 19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo. 20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan. 21 Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga.
  • Maah 29:1 : 1 Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
  • Maah 5:12 : 12 Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!
  • Sab 50:17 : 17 Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 36:20-22
    3 aayado
    84%

    20Markaasay boqorkii oo barxaddiisa jooga u galeen, kitaabkii duudduubnaase waxay dhigeen qolladdii Eliishaamaac oo karraanigii ahaa, oo erayadii oo dhanna boqorkay u sheegeen.

    21Markaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.

    22Haddaba waxay ahayd bishii sagaalaad, oo boqorkuna wuxuu fadhiyey gurigii qabowga laga geli jiray, oo hortiisana waxaa yiil dab girgire ku dhex ololaya.

  • Yer 36:24-25
    2 aayado
    78%

    24Oo boqorkii iyo addoommadiisii erayadaas oo dhan maqlay midkoodna ma cabsan, oo dharkoodiina ma ay jeexjeexin.

    25In kastoo ay Elnaataan iyo Delaayaah iyo Gemaryaah boqorkii ka baryeen inuusan kitaabka duudduuban gubin wuu maqli waayay.

  • Yer 36:27-32
    6 aayado
    77%

    27¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,

    28Haddana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay.

    29Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?

    30Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay.

    31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

    32Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.

  • 72%

    18Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.

    19Oo markii boqorkii maqlay erayadii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.

    20Markaasaa boqorkii amray Xilqiyaah, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cabdoon ina Miikaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa addoonkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi,

  • Yer 36:12-15
    4 aayado
    71%

    12ayuu hoos u degtay oo wuxuu galay gurigii boqorka iyo qolladdii karraaniga, oo bal eeg, amiirradii oo dhammu halkaasay wada fadhiyeen, oo waxay ahaayeen Eliishaamaac oo karraaniga ahaa, iyo Delaayaah ina Shemacyaah, iyo Elnaataan ina Cakboor, iyo Gemaryaah ina Shaafaan, iyo Sidqiyaah ina Xananyaah, iyo amiirradii oo dhan.

    13Markaas Miikaayaah wuxuu iyagii u sheegay erayadii uu maqlay oo dhan markii Baaruug uu kitaabka ku akhriyey dadka dhegihiisa.

    14Sidaas daraaddeed amiirradii oo dhammu waxay Baaruug u soo direen Yehuudii ina Netanyaah oo ahaa ina Shelemyaah ina Kuushii, oo waxay ku yidhaahdeen, Kitaabkii duudduubnaa oo aad dadka dhegihiisa ku akhriday soo qaad oo noo kaalay. Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah gacanta ku soo qaaday kitaabkii duudduubnaa, oo iyagii u yimid.

    15Oo iyagiina waxay ku yidhaahdeen, Haddaba bal fadhiiso oo dhegahayaga ku akhri, oo markaasuu Baaruug kitaabkii dhegahoodii ku akhriyey.

  • 19Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 4Markaasaa Yeremyaah Baaruug ina Neeriiyaah u yeedhay, oo Baaruugna wuxuu afkii Yeremyaah erayadii Rabbigu isaga u sheegay oo dhan kaga qoray kitaab duudduuban.

  • 8Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 13Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

  • Yex 15:4-5
    2 aayado
    71%

    4Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa?

    5Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?

  • 4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 9Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka; oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

  • 13Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi.

  • Yer 36:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii afraad ayaa erayganu Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

    2Kitaab duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii aan wakhtigii Yoosiyaah iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh kugula hadlay oo dhan, kuwaas oo ka gees ahaa dalka Israa'iil, iyo dalka Yahuudah, iyo quruumaha oo dhan.

  • Yer 36:8-9
    2 aayado
    70%

    8Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah wada sameeyey sidii Yeremyaah ku amray oo dhan, oo wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Rabbiga isagoo gurigii Rabbiga dhex jooga.

    9¶ Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii shanaad bisheedii sagaalaad waxaa dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan iyo dadkii Yeruusaalem uga yimid magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan loogu dhawaaqay inay Rabbiga hortiisa ku soomaan.

  • 69%

    10Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.

    11Oo markii boqorkii maqlay erayadii kitaabkii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.

  • 6Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.

  • 2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 20Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 8Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale, iyo karaahiyadiisii uu sameeyey, iyo wixii isaga laga helayba, bal eeg, dhammaantood waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.

  • 2Timaha saddexdooda dalool dalool magaalada dhexdeeda dab ku gub markii maalmaha weerarku ay dhammaystirmaan, oo haddana waxaad qaadataa dalool kale, oo magaalada hareereheeda seefta la dhac, oo daloolka saddexaadna dabaysha ku kala firdhi, oo aniguna seef baan ka daba qaadan doonaa.

  • 22Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,

  • 3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 30Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

  • 27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.

  • 6sidaas daraaddeed adigu tag, oo waxaad maalinta soonka dadka dhegihiisa ku akhridaa erayadii Rabbiga ee aad afkayga kitaabkii duudduubnaa kaga qortay, oo waxaad ku akhridaa guriga Rabbiga dhexdiisa, oo weliba waxaad kaloo dhegaha uga akhridaa dadka Yahuudah ee magaalooyinkooda ka yimid oo dhan.

  • 4Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.

  • 4Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.

  • 23Oo iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka.