Yeremyaah 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 65:16 : 16 Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
  • Yer 9:24 : 24 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.
  • 1 Kor 1:31 : 31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
  • Gal 3:8 : 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.
  • Bil 22:18 : 18 oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.
  • Sharc 10:20 : 20 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad u adeegtaan, waana inaad ku dhegtaan oo aad magiciisana ku dhaarataan.
  • Ish 45:23 : 23 Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa.
  • Ish 45:25 : 25 Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.
  • 2 Kor 10:17 : 17 ¶ Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
  • Yer 12:16 : 16 Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.
  • Hos 2:19 : 19 Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.
  • Sak 8:8 : 8 Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.
  • Fil 3:3 : 3 waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,
  • Ish 48:1-2 : 1 ¶ Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla. 2 Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada.
  • Yer 5:2 : 2 Oo weliba in kastoo ay yidhaahdaan, Waa iga Rabbiga nool, sida xaqiiqada ah been bay ku dhaartaan.
  • 1 Boq 3:6 : 6 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.
  • Sab 72:17 : 17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
  • Sab 99:4 : 4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.

  • 2Oo weliba in kastoo ay yidhaahdaan, Waa iga Rabbiga nool, sida xaqiiqada ah been bay ku dhaartaan.

  • 16Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.

  • 12Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.

  • 15Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.

  • 23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • Ish 45:23-25
    3 aayado
    73%

    23Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa.

    24Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.

    25Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.

  • Sharc 28:8-9
    2 aayado
    72%

    8Oo Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

    9Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan.

  • 1¶ Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.

  • 18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 4¶ Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.

  • 16Idinku waxaad samaysaan waxyaalahan, ninkiin kastaaba deriskiisa run ha kula hadlo, oo waxaad irdihiinna ku naqdaan garsoorid run ah oo nabad keenta,

  • Yer 23:6-8
    3 aayado
    71%

    6Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.

    7Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey.

    8Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.

  • 14Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan.

  • 20Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.

  • Hos 4:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Dadka Israa'iilow, Rabbiga eraygiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka dalka deggan, maxaa yeelay, dalka dhexdiisa laguma arko run, ama naxariis, ama aqoonta Ilaah toona.

    2Innaba wax kale laguma arko dhaarasho been ah, iyo axdijebin, iyo dilid, iyo xadid, iyo sino mooyaane. Way soo fara baxsadaan, oo dhiiggelid baa dhiiggelid ku xigsata.

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 9oo uu qaynuunnadayda ku socday, oo uu xukummadayda u xajiyey si uu wax qumman u sameeyo, kaasu waa xaq, oo hubaal wuu noolaan doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 12Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.

  • 20Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

  • 19iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi.

  • 5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

  • 8Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?

  • 3¶ Rabbigu wuxuu dadka dalka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ku leeyahay, Dhulkiinna jeexan jabsada, oo qodxan dhexdood waxba ha ku beeranina.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane.

  • 12inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

  • 1¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.

  • 4Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)

  • 13Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa oo magiciisa ku dhaarataa.

  • 5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,

  • 5Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.

  • 1¶ Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan,

  • 13Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.

  • 12¶ Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,

  • 4Waayo, sida xaqiiqada ah idinku haddaad waxyaalahan samaysaan, markaas boqorro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha gurigan soo geli doona, iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo addoommadooda iyo dadkooduba.

  • 21laakiinse sida runta ah anigu waan noolahay, oo dunida oo dhammuna waxay ka buuxsami doontaa ammaanta Rabbiga.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 9Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.

  • 4Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,

  • 15laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii woqooyi iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan. Oo aniguna waxaan iyaga mar kale ku soo celin doonaa dalkoodii aan awowayaashood siiyey.

  • 26Haddaba dadka Yahuudah oo dalka Masar degganow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, magacayga weyn waan ku dhaartay inuusan qof dadka Yahuudah ahu mar dambe magacayga ku soo magacaabi doonin dalka Masar oo dhan, isagoo leh, Sayidka Rabbiga ahu waa nool yahay.

  • 5Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.

  • 15Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.