Miikaah 7:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 28:13-14 : 13 Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga. 14 Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.
  • Luuk 1:72-74 : 72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto, 73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay, 74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno
  • Fal 3:25-26 : 25 Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan. 26 Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.
  • Room 11:26-31 : 26 oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta. 27 Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono. 28 Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood. 29 Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh. 30 Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda, 31 sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto.
  • Cib 6:13-18 : 13 ¶ Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay, 14 isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa. 15 Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday. 16 Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto, 17 sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay; 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,
  • Sharc 7:8 : 8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
  • Sab 105:8-9 : 8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray, 9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay, 10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
  • Yer 33:25-26 : 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba, 26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
  • Luuk 1:54-55 : 54 Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto 55 Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).
  • Bil 12:2-3 : 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako; 3 oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.
  • Bil 17:7-8 : 7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya. 8 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
  • Bil 22:16-18 : 16 oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay 17 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda; 18 oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.
  • Bil 26:3-4 : 3 Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim. 4 Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 1:72-73
    2 aayado
    78%

    72Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,

    73Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,

  • Miik 7:18-19
    2 aayado
    78%

    18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.

    19Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.

  • 75%

    11Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.

    12¶ Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,

  • 15Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.

  • 73%

    16Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

    17Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,

  • 31maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.

  • 7Rabbigu waa ku dhaartay islaweynaanta reerka Yacquub, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah anigu shuqulladooda midnaba ka illoobi maayo.

  • 23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

  • 13inuu maanta dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

  • 28Haddaba, Sayidow, Rabbow, waxaad tahay Ilaah, oo erayadaaduna waa run, oo waxan wanaagsanna waad ii ballanqaadday anoo addoonkaaga ah.

  • 9Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya.

  • Sab 105:8-10
    3 aayado
    72%

    8Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,

    9Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

    10Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,

  • Luuk 1:54-55
    2 aayado
    72%

    54Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto

    55Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah;

  • 24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

  • 8oo dabadeedna ogaaday in qalbigiisu hortaada aamin ku yahay, oo isagii axdi kula dhigtay inaad isaga siinaysid dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Girgaash, xataa inaad dalkaas siinaysid farcankiisa; oo erayadaadiina waad oofisay, maxaa yeelay, xaq baad tahay.

  • 7de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • 2Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.

  • 49Sayidow, meeday naxariistaadii hore, Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?

  • 7Ilaahayagow, dadkii dalkan degganaa sow kama aad eryin dadkaaga reer binu Israa'iil hortooda, oo weligiisba sow ma aadan siin saaxiibkaagii Ibraahim farcankiisii?

  • 4Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.

  • 5Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,

  • 6Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.

  • 16oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

  • 7Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.

  • 17Oo gacantiinna yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku naxo, oo idiin tarmiyo,

  • 18Kumanyaal baad u naxariisataa, oo xumaantii aabbayaashu sameeyaanna waxaad abaalmarin ugu soo celisaa laabta carruurtooda iyaga ka dambaysa. Magacaagu waa Ilaaha xoogga badan ee weyn, iyo Rabbiga ciidammada.

  • 18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 16In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga.

  • 2Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa, Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.

  • 10Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.

  • 21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.

  • 1¶ Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.

  • 7¶ Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.

  • 20Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.

  • 25Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel.

  • 21Eraygaaga aawadiis iyo qalbigaagu siduu yahay ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad i ogeysiisid anoo addoonkaaga ah.

  • 11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

  • 6Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.

  • 1¶ Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.

  • 3Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.