Yeremyaah 32:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kumanyaal baad u naxariisataa, oo xumaantii aabbayaashu sameeyaanna waxaad abaalmarin ugu soo celisaa laabta carruurtooda iyaga ka dambaysa. Magacaagu waa Ilaaha xoogga badan ee weyn, iyo Rabbiga ciidammada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 10:16 : 16 Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
  • Bax 34:7 : 7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba.
  • Sharc 5:9-9 : 9 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb, 10 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
  • Sharc 7:9-9 : 9 Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya. 10 Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa.
  • Bax 20:5-6 : 5 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb, 6 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
  • 1 Boq 14:9-9 : 9 laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada. 10 Sidaas daraaddeed, bal ogow, shar baan ku soo dejin doonaa reer Yaaraabcaam, oo Yaaraabcaam waxaan ka baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan, oo reer Yaaraabcaam oo dhanna waan xaaqi doonaa ilaa uu wada baabbo'o sida digo dibadda loogu xaaqo.
  • 1 Boq 16:1-3 : 1 ¶ Markaas waxaa Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa, oo leh, 2 Ciiddaan kaa sara mariyey, oo waxaan kaa dhigay amiir u taliya dadkayga Israa'iil, oo adna waxaad ku socotay jidkii Yaaraabcaam, oo dadkaygii Israa'iilna waad dembaajisay, oo waxaad ka dhigtay inay dembiyadoodii igaga xanaajiyaan, 3 sidaas daraaddeed bal eeg, Bacshaa iyo reerkiisa oo dhanba waan wada baabbi'inayaa, oo reerkaagana waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo kale.
  • Sab 50:1 : 1 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
  • Ish 9:6 : 6 Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.
  • Yer 31:35 : 35 Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay:
  • Mat 23:32-36 : 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin. 33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada? 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan, 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda. 36 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.
  • Mat 27:25 : 25 Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.
  • Xab 1:12 : 12 ¶ Rabbiyow, Ilaahaygiiyow, kayga Quduuska ahow, sow adigu weligaaba ma aad jiri jirin? Annagu dhiman mayno. Rabbiyow, isaga waxaad u diyaarisay xukun, oo waxaad u xoogaysay edbin, kaaga Dhagaxa weyn ahow.
  • Ish 10:21 : 21 Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan.
  • Ish 57:15 : 15 ¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.
  • Sab 145:3-6 : 3 Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin. 4 Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn. 5 Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan. 6 Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
  • 1 Boq 21:21-24 : 21 Oo bal ogow, Axaabow, belaayo baan kugu soo dejin doonaa, oo farcankaaga waan kaa qaadi doonaa, oo waxaan kaa baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan. 22 Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis. 23 Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa. 24 Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.
  • 2 Boq 9:26 : 26 Rabbigu wuxuu yidhi, Hubaal shalayto waxaan arkay Naabood dhiiggiisii iyo dhiiggii wiilashiisii, haddaba adiga beertan baan abaalkaaga kugu siinayaa. Sidaas daraaddeed isaga qaad oo beerta ku dhex tuur sidii erayga Rabbigu ahaa.
  • Nex 1:5 : 5 oo idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,
  • Bil 49:24 : 24 Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)
  • Tir 14:18 : 18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad.
  • Sharc 7:21 : 21 Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.
  • Sharc 10:17 : 17 Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan.
  • Yash 7:24-26 : 24 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor. 25 Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen. 26 Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.
  • 2 Sam 21:1-9 : 1 ¶ Oo wakhtigii Daa'uud abaar baa dhacday intii saddex sannadood ah, oo sannadba sannadda ka dambayso, markaasaa Daa'uud Rabbiga baryay. Rabbiguna wuxuu yidhi, Tanu waxay ku timid Saa'uul iyo reerkiisa dhiigga qaba, maxaa yeelay, wuxuu laayay reer Gibecoon. 2 Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;) 3 oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan? 4 Oo reer Gibecoonna waxay ku yidhaahdeen, Annaga iyo Saa'uul, iyo reerkiisa waxa na dhex yaallaa ma aha xaal ku eg lacag iyo dahab; oo annana dooni mayno inaannu reer binu Israa'iil nin ka dilno. Markaasuu ku yidhi, Haddaba wixii aad tidhaahdaan waan idiin samaynayaa. 5 Iyana waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Ninkii na baabbi'iyey, oo ku fikiray in nala laayo, oo aannan dhex degganaan waddanka reer binu Israa'iil oo dhan, 6 ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay. 7 Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul. 8 Laakiinse boqorkii wuxuu soo qabtay labadii wiil ee Risfaah ina Ayah, oo ay u dhashay Saa'uul, kuwaas oo ahaa Armonii iyo Mefiiboshed, iyo shantii wiil ee Miikaal ina Saa'uul, oo ay u dhashay Cadrii'eel ina Barsillay kii reer Mexolaad; 9 oo wuxuu u gacangeliyey reer Gibecoon, oo buurtay ku deldeleen Rabbiga hortiisa, oo toddobadoodiiba way wada dhinteen; oo waxaana la dilay xilligii beergooyska maalmaha ugu horreeya, marka shaciirka la gooyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 32:19-20
    2 aayado
    79%

    19Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaalmarisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen.

    20Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay.

  • Bax 34:6-7
    2 aayado
    77%

    6Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan,

    7oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba.

  • 10oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.

  • 6oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.

  • Tir 14:17-19
    3 aayado
    76%

    17Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi,

    18Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad.

    19Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax.

  • 9Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya.

  • 18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.

  • 17Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, samada iyo dhulkaba xooggaaga badan iyo gacantaada fidsan ayaad ku samaysay, oo wax kugu adagna ma jiro.

  • 8Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.

  • 72%

    17Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan.

    18Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni.

  • 72%

    17Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,

    18Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.

  • 15Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan, Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.

  • 4Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.

  • 7¶ Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.

  • 24Sayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?

  • Nex 9:31-32
    2 aayado
    71%

    31Habase yeeshee naxariistaada badan aawadeed dhammaantood ma aadan wada baabbi'in, mana aadan dayrin, maxaa yeelay, waxaad tahay Ilaah raxmad iyo naxariis badan.

    32Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo.

  • Sab 103:7-8
    2 aayado
    71%

    7Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa'iilna falimihiisii.

    8Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.

  • 8Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,

  • 20Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • 3Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga. Idinku weyneeya Ilaaheenna.

  • 31maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.

  • 19Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto.

  • 8Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow? Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.

  • 3Rabbigu cadho wuu u gaabiya, waana xoog badan yahay, oo kii gardaran sinaba eedlaawe ugu haysan maayo. Rabbigu wuxuu jid ku leeyahay dabaysha cirwareenta ah iyo duufaanka, oo daruuruhuna waa boodhkii cagihiisa.

  • 6Dadyahow nacaska ah oo aan xigmadda lahaynu Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan? War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday? Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.

  • 16In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga.

  • 2Oo bal idinku maanta ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan,

  • 5Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.

  • 4Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,

  • 5Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.

  • 5Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.

  • 21Isagu waa ammaantiinnii, oo isagu waa Ilaahiinnii idiin sameeyey waxyaalihii waaweynaa oo cabsida lahaa oo aad indhaha ku aragteen.

  • 5Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto.

  • 12Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay, Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.

  • 19Rabbow, aniga daraadday, iyo qalbigaaga siduu yahay, ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad waxyaalahan waaweyn oo dhan wada muujiso.

  • 9Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan.

  • 11Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.

  • 14Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.

  • 10Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka, Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.