Miikaah 7:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 38:17 : 17 Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay, Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay, Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.
  • Yer 50:20 : 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.
  • Sab 103:12 : 12 Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
  • Sab 130:8 : 8 Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.
  • Yer 31:34 : 34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.
  • Ish 43:25 : 25 Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
  • Ish 63:15-17 : 15 Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen. 16 In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga. 17 Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?
  • Hos 14:4 : 4 Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.
  • Room 6:14 : 14 Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.
  • Room 6:17-22 : 17 Laakiinse mahad Ilaah baa leh, waayo, waxaad ahaan jirteen addoommadii dembiga, haatanse qalbigiinaad ka addeecdeen caynaddii waxbariddii laydin siiyey; 18 oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen. 19 Sida dadkaan u hadlayaa jidhkiinna itaaldarradiisa aawadeed. Waayo, sidii aad xubnihiinna uga dhigi jirteen addoommadii wasakhnimada iyo dembiga inaad dembi fashaan, sidaas oo kalena haatan xubnihiinna ka dhiga addoommadii xaqnimada quduusnaanta aawadeed. 20 Waayo, markaad addoommadii dembiga ahaan jirteen, xagga xaqnimada waxaad ahaydeen xor. 21 Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada. 22 Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah.
  • Room 7:23-25 : 23 Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira. 24 Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh? 25 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
  • Room 8:2-3 : 2 Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada. 3 Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,
  • Room 8:13 : 13 waayo, haddaad sida jidhka u noolaataan, hubaal waad dhiman doontaan, laakiin haddaad falimaha jidhka Ruuxa ku dishaan, waad noolaan doontaan.
  • Titus 2:14 : 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
  • Yac 4:5-6 : 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra? 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • 1 Yoox 3:8 : 8 Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.
  • Yer 31:20 : 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa.
  • Sharc 30:3 : 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.
  • Sharc 30:6 : 6 Oo markaas Rabbiga Ilaahiinna ahu sida jidhka loo gudo ayuu idinka jari doonaa xumaanta qalbigiinna iyo tan qalbiga farcankiinna inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeclaataan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan si aad u noolaataan.
  • Sharc 32:36 : 36 Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa, Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa, Markuu arko in xooggoodii dhammaaday, Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.
  • Cesr 9:8-9 : 8 Oo hadda intii wakhti yar ah ayaa Rabbiga Ilaahayaga ahu raalli naga noqday si qaar nooga hadhaan oo ay u baxsadaan, iyo si uu dhidib noogu siiyo meeshiisa quduuska ah, in Ilaahayagu indhahayaga iftiimiyo, oo uu wakhti yar nagu soo nooleeyo addoonnimadayada. 9 Waayo, waxaannu nahay dad addoommo ah, laakiinse Ilaahayagu naguma dayrin addoonnimadayadii, illowse naxariis buu nagu siiyey boqorradii Faaris hortooda, inuu na nooleeyo aawadeed, si aannu u taagno guriga Ilaahayo, oo aannu u hagaajinno burburkiisii hore, iyo inuu derbi naga dhex siiyo Yahuudah iyo Yeruusaalemba.
  • Sab 90:13-14 : 13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada. 14 Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
  • Bar 3:32 : 32 Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.
  • Yex 11:19-20 : 19 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah, 20 si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
  • Yex 36:25-27 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba. 26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah. 27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
  • Daan 9:24 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.

  • 20Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.

  • 7Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.

  • 74%

    10Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.

    11Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.

    12Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.

  • 32Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.

  • 12Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.

  • 3Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.

  • 8Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.

  • 25Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.

  • 9Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;

  • 2Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)

  • 22Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.

  • 7¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.

  • 8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

  • 9Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.

  • 38Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.

  • 8Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.

  • 20Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.

  • 17Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay, Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay, Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.

  • 1Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.

  • 7¶ Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.

  • Bar 3:42-43
    2 aayado
    70%

    42Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

    43Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

  • 13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

  • 7Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?

  • Hos 14:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.

    2Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga.

  • 5Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?

  • 17¶ Oo dembiyadooda iyo xadgudubyadoodana mar dambe ma xusuusan doono.

  • 12¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

  • 18¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.

  • 19Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax.

  • 50oo cafi dadkaaga kugu dembaabay, oo ka saamax xadgudubyadooda ay kugu xadgudbeen oo dhan; oo kuwii maxaabiis ahaanta u kaxaystay raxmad geli si ay ugu naxariistaan,

  • 9Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.

  • 9Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.

  • 45Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.

  • 20Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

  • 9Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan.

  • 1¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.

  • 8Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.

  • 77Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah,

  • 7Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.

  • 13Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.

  • 4Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.

  • 13Haddaba qalbigiinna jeexa ee dharkiinna ha jeexina, oo Rabbiga Ilaahiinna ah xaggiisa u soo jeesta, waayo, isagu waa nimco miidhan, waana raxmad badan yahay, cadho wuu u gaabiya, waana naxariis badan yahay, oo belaayadana wuu ka soo noqdaa.

  • 40Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.

  • 19¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.

  • 33Si kastaba ha ahaatee xaq baad ku tahay waxa nagu dhacay oo dhan, maxaa yeelay, run baad ku socotay, annaguse shar baannu samaynay,