Yeremyaah 48:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan isaga u soo diri doono kuwa wax shuba, isagayna shubayaan, oo weelashiisay madhinayaan, oo jalxadihiisana wada burburinayaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 2:9 : 9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
  • Ish 16:2 : 2 Waayo, sidii shimbir wareegaysa oo buulkeedii laga tuuray ayaa gabdhaha Moo'aab ku ahaan doonaan meelaha Webi Arnoon laga gudbo.
  • Ish 30:14 : 14 Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.
  • Yer 14:3 : 3 Oo kuwooda waaweyn ayaa yaryarkooda biyo u soo dira, oo waxay yimaadaan ceelasha, biyona kama ay helaan, oo weelashooda oo madhan ayay dib ula soo noqdaan, oo intay ceeboobaan oo qasmaan ayay madaxa hagoogtaan.
  • Yer 19:10 : 10 Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.
  • Yer 25:9 : 9 Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.
  • Yer 25:34 : 34 Adhijirradow, ooya oo qayliya; kuwa adhiga madaxda u ahow, dambas ku galgasha, waayo, wakhtigii laydin gowraci lahaa waa yimid. Waan idin burburin doonaa, oo waxaad u dhici doontaan sida weel wanaagsan oo kale.
  • Yer 48:8 : 8 Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.
  • Yer 48:11 : 11 Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin.
  • Yer 48:15 : 15 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.
  • Yer 48:38 : 38 Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.
  • Yex 25:9-9 : 9 Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim, 10 oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan,
  • Nax 2:2 : 2 Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin.

  • Yer 48:38-39
    2 aayado
    75%

    38Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.

    39Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.

  • Yer 13:12-13
    2 aayado
    74%

    12¶ Sidaas daraaddeed waxaad iyaga u sheegtaa eraygan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sibraar kasta waxaa laga buuxin doonaa khamri, iyaguna waxay kugu odhan doonaan, War sida runta ah miyaannan ogayn in sibraar kastaba khamri laga buuxin doono?

    13Oo markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka dalkan deggan oo dhan iyo xataa boqorrada carshigii Daa'uud ku fadhiya, iyo wadaaddada, iyo nebiyada, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ka wada buuxin doonaa sakhraannimo.

  • Yer 19:10-11
    2 aayado
    74%

    10Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.

    11Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.

  • Yer 48:24-26
    3 aayado
    74%

    24iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.

    25Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.

    26Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.

  • Yer 25:15-17
    3 aayado
    74%

    15¶ Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu igu leeyahay, Cadhadan koobkeeda khamriga gacantayda ka qaad, oo waxaad wada cabsiisaa quruumaha aan kuu dirayo oo dhan.

    16Oo iyana way cabbi doonaan, oo way iska dhacdhici doonaan, wayna la waalan doonaan seefta aan dhexdooda u soo dirayo daraaddeed.

    17¶ Markaasaan koobkii gacantii Rabbiga ka qaaday, oo waxaan cabsiiyey quruumihii Rabbigu ii diray oo dhan, kuwaas oo ahaa

  • Yer 48:8-9
    2 aayado
    73%

    8Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.

    9Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.

  • Yer 9:15-16
    2 aayado
    73%

    15oo sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed.

    16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.

  • 14Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.

  • 13Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.

  • Yer 48:46-47
    2 aayado
    72%

    46Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.

    47Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.

  • 12Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, kuwii ayan ku garta ahayn inay koobka cabbaan, xaqiiqa ahaan bay u cabbi doonaan. Haddaba adigu miyaad tahay mid aan la ciqaabi doonin? Adigu ciqaabidla'aan innaba ma sii joogi doontid, laakiinse sida xaqiiqada ah waad cabbi doontaa.

  • Yer 48:15-16
    2 aayado
    71%

    15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.

    16Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.

  • 2Oo Baabuloonna waxaan u soo diri doonaa haadiyayaal, oo iyaday haadin doonaan, oo dalkeedana way madhin doonaan, waayo, maalinta dhibaatada dhinac kastay kaga soo duuli doonaan.

  • 15In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.

  • 1¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.

  • 2¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.

  • Yer 25:27-28
    2 aayado
    71%

    27Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu idinku leeyahay, Cabba oo sakhraama, oo mantaga, oo dhaca, oo innaba mar dambe ha soo sara kicina, seefta aan dhexdiinna u soo diri doono daraaddeed.

    28Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan!

  • Saf 1:12-13
    2 aayado
    71%

    12Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.

    13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • 2Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.

  • 36Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.

  • 52Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.

  • Yer 48:33-34
    2 aayado
    71%

    33Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto.

    34Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.

  • 9Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.

  • 32Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Geeloodu wuxuu noqon doonaa booli, oo xoolahooda badanna waa la kala boobi doonaa, oo waxaan dabaylaha oo dhan u kala firdhin doonaa kuwa timaha dhinacyada ka jarta, oo masiibadoodana waxaan kaga soo dayn doonaa dhinac kasta.

  • 20Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.

  • 8Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.

  • 2Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan ka dhigi doono in la maqlo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalada Rabbaah ee reer Cammoon, oo waxay noqon doontaa taallo burbur ah, oo gabdhaheedana dab baa lagu wada gubi doonaa, oo markaasay dadka Israa'iil dhaxli doonaan kuwii iyaga dhaxli jiray, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 42Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.

  • 17¶ Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale.

  • 1¶ Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.

  • 4Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.

  • 21Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.

  • 22Sayidkaaga Rabbiga ah oo ah Ilaahaaga dacwada dadkiisa u muddaca wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan gacantaada ka bixiyey koobka lagu dhacdhaco, kaasoo ah koobka cadhadayda. Adigu mar dambe innaba ma aad cabbi doontid.

  • 9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

  • 2Waayo, sidii shimbir wareegaysa oo buulkeedii laga tuuray ayaa gabdhaha Moo'aab ku ahaan doonaan meelaha Webi Arnoon laga gudbo.