28¶ Qedaar iyo boqortooyooyinka Xaasoor oo boqorka Baabuloon oo Nebukadresar ahu uu wax ku dhuftay Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Sara joogsada, oo Qedaar u kaca, oo dadka reer bari baabbi'iya.
29Teendhooyinkooda iyo adhyahoodaba way wada kaxaysan doonaan, oo waxay iska qaadan doonaan daahyadooda iyo weelashooda oo dhan iyo geeloodaba, oo waxay iyaga ugu qaylin doonaan, Dhinac kasta cabsi baa idinka jirta.
30Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Xaasoor degganow, carara, oo aad u sii fogaada, oo meelo hul dheer dega, waayo, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa idiin tashaday, oo wax xun buu idiin qasdiyey.
31Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan.