Yeremyaah 49:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Qedaar iyo boqortooyooyinka Xaasoor oo boqorka Baabuloon oo Nebukadresar ahu uu wax ku dhuftay Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Sara joogsada, oo Qedaar u kaca, oo dadka reer bari baabbi'iya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 25:13 : 13 Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Ismaaciil, magacyadoodii sidii farcankoodii ahaa. Curadkii Ismaaciil wuxuu ahaa Nebayod; waxaana ku xigay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam,
  • Xaak 6:3 : 3 Oo markii reer binu Israa'iil ay wax beeri jireen, waxaa iman jiray reer Midyaan iyo reer Camaaleq, iyo reer bariga, wayna ku kici jireen;
  • Ish 11:14 : 14 Way duuli doonaan oo ku degi doonaan garbaha reer Falastiin xagga galbeed jooga, oo waxay wadajir u dhici doonaan dadka reer bari, gacantooday saari doonaan reer Edom iyo reer Moo'aab, oo reer Cammoonna iyagay addeeci doonaan.
  • Ish 21:16-17 : 16 Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa. 17 Oo intii ka hadhay tirada ragga qaansaleyda ah oo ah ragga xoogga badan oo reer Qedaarna way yaraan doontaa, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa saas ku hadlay.
  • Ayuub 1:3 : 3 Oo weliba xoolihiisuna waxay ahaayeen toddoba kun oo ido ah, iyo saddex kun oo geel ah, iyo shan boqol oo dibi oo laba laba ah, iyo shan boqol oo dameerood oo dhaddig ah, oo weliba wuxuu kaloo lahaa addoommo aad u badan, oo sidaas daraaddeed ninkaasu wuxuu ahaa kan ugu wada weyn dadka bariga oo dhan.
  • Yer 2:10 : 10 Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.
  • Yer 49:14 : 14 War baan xagga Rabbiga ka maqlay, oo quruumahana waxaa loo dhex diray wargeeys leh, Isa soo wada urursada, oo iyada ku soo duula, oo dagaalka u soo kaca.
  • Yex 27:21 : 21 Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.
  • Bil 25:6 : 6 Laakiinse naagihii addoommada ahaa oo Ibraahim haystay wuxuu wiilashoodii siiyey hadiyado, oo intuu isagu noolaa ayuu ka diray wiilkiisii Isxaaq, bari buuna u diray xagga dhulka bari.
  • Yer 49:30-31 : 30 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Xaasoor degganow, carara, oo aad u sii fogaada, oo meelo hul dheer dega, waayo, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa idiin tashaday, oo wax xun buu idiin qasdiyey. 31 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan.
  • Yer 49:33 : 33 Oo Xaasoorna waxay noqon doontaa meel dawacooyin ku hoydaan iyo meel weligeed cidla ah, ciduna halkaas ma joogi doonto oo innaba binu-aadmina ma degganaan doono.
  • Yer 50:14-16 : 14 Kuwiinna qaansada xoota oo dhammow, Baabuloon hareereheeda dagaal isugu diyaariya. Iyada fallaadhihiinna ku gana, oo fallaadhna ha ka ceshanina, waayo, Rabbigay ku dembaabtay. 15 Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya. 16 Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.
  • Hees 1:5 : 5 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan.
  • 1 Taar 1:29 : 29 ¶ Oo intanu waa qarniyadoodii, Ismaaciil curadkiisii wuxuu ahaa, Nebayod, dabadeedna wuxuu dhalay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam,
  • Ish 42:11 : 11 Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.
  • Ish 13:2-5 : 2 Buurta dheer calan ka taaga, codkana iyaga kor ugu qaada, oo u gacanhaadiya inay irdaha kuwa gobta ah galaan. 3 Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya. 4 Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka. 5 Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.
  • Ish 21:13 : 13 ¶ Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan. Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 49:29-32
    4 aayado
    80%

    29Teendhooyinkooda iyo adhyahoodaba way wada kaxaysan doonaan, oo waxay iska qaadan doonaan daahyadooda iyo weelashooda oo dhan iyo geeloodaba, oo waxay iyaga ugu qaylin doonaan, Dhinac kasta cabsi baa idinka jirta.

    30Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Xaasoor degganow, carara, oo aad u sii fogaada, oo meelo hul dheer dega, waayo, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa idiin tashaday, oo wax xun buu idiin qasdiyey.

    31Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan.

    32Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Geeloodu wuxuu noqon doonaa booli, oo xoolahooda badanna waa la kala boobi doonaa, oo waxaan dabaylaha oo dhan u kala firdhin doonaa kuwa timaha dhinacyada ka jarta, oo masiibadoodana waxaan kaga soo dayn doonaa dhinac kasta.

  • 27Oo derbiga Dimishaq dab baan ku dayn doonaa, oo daaraha waaweyn ee Benhadad oo dhanna baabba' buu ka dhigi doonaa.

  • Yex 38:12-13
    2 aayado
    74%

    12inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.

    13Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?

  • Yer 50:9-10
    2 aayado
    74%

    9Waayo, bal ogaada, waxaan kicin doonaa oo aan Baabuloon ku soo dayn doonaa quruumo waaweyn oo is-urursaday oo xagga dalka woqooyi ka yimid, oo dagaal bay isugu soo diyaarin doonaan oo halkaasaa laga qaadi doonaa. Oo fallaadhahoodu waxay noqon doonaan sida fallaadhaha kan dagaalka aqoonta u leh oo aan middoodna waxtarla'aan ku soo noqonayn.

    10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan.

  • Ish 21:16-17
    2 aayado
    73%

    16Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa.

    17Oo intii ka hadhay tirada ragga qaansaleyda ah oo ah ragga xoogga badan oo reer Qedaarna way yaraan doontaa, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa saas ku hadlay.

  • 3Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.

  • 9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

  • 26Quruuntaas kaga soo kaca darafyada dhulka ugu shisheeya, oo bakhaarradeeda fura, oo waxaad iyada u taalaysaan sida wax meel tuunsan oo kale, oo dhammaanteed baabbi'iya, oo innaba waxba ha ka reebina.

  • Yer 49:37-38
    2 aayado
    72%

    37Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ka dhigi doonaa in reer Ceelaam ay ku hor naxaan cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya, oo masiibo ah cadhadayda kulul ayaan ku soo dejin doonaa, oo seefna waan ka daba diri doonaa, ilaa aan baabba' ka dhigo.

    38Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu carshigayga Ceelaam baan dhex qotomin doonaa, oo halkaas boqor iyo amiirroba waan ka wada baabbi'in doonaa.

  • Yer 51:47-49
    3 aayado
    72%

    47Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyada xardhan ee Baabuloon, oo dalkeeda oo dhammuna wuu ceeboobi doonaa, oo kuweeda la laayay oo dhammuna iyaday ku dhex dhici doonaan.

    48Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaasay samada iyo dhulka iyo waxa ku jira oo dhammuba farxad ku heesi doonaan Baabuloon aawadeed, waayo, kuwa iyada baabbi'in doona ayaa xagga woqooyi uga iman doona.

    49Baabuloon sidii ay u daadisay kuwii reer binu Israa'iil laga laayay, sidaas oo kale ayaa Baabuloon waxaa ugu dhex daadan doona kuwa dhulka laga laayay oo dhan.

  • Yer 51:53-54
    2 aayado
    72%

    53Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.

    54Baabuloon qaylaa ka yeedhaysa, oo dalka reer Kaldayiinna baabba' weyn baa ka dhex sanqadhayaa,

  • 41Bal ogaada, dadyow baa xagga woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn iyo boqorro badan ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doona.

  • Yer 51:27-28
    2 aayado
    71%

    27Dalka calan ka dhex taaga, oo quruumahana buunka ka dhex yeedhiya, oo quruumaha u soo wada diyaariya, inay iyada ku kacaan, oo waxaad u wada yeedhaan boqortooyooyinka Araarad, iyo Minnii, iyo Ashkenas inay ku kacaan, oo sirkaal iyada col ku ah doorta, oo fardahana ugu sii daaya sida koronkorro baas oo kale.

    28Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.

  • 28¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.

  • 3Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba.

  • 34¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga ee Ceelaam ku saabsanaa ee Nebi Yeremyaah u yimid bilowgii boqornimadii Sidqiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah, isagoo leh,

  • 7Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa.

  • 8Dadka Dedaan degganow, carara, oo dib u noqda, oo meelo hul dheer dega, waayo, reer Ceesaw waxaan ku soo dejin doonaa masiibadiisa oo dhan, waana wakhtiga aan isaga ciqaabi doono.

  • 21Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.

  • 4sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan.

  • 32oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

  • Yer 50:21-22
    2 aayado
    70%

    21¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Ku soo kaca dalka Meraatayim, iyo dadka Feqood degganba. Laaya oo wada baabbi'iya oo sidaan idinku amray oo dhan yeela.

    22Dalka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood.

  • 10¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.

  • 19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.

  • Yer 50:28-29
    2 aayado
    70%

    28Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.

    29Waxaad Baabuloon ugu yeedhaan qaansoley badan, kuwiinna qaansada xoota oo dhammow. Hareereheeda ka dega, oo yaan innaba waxba ka baxsan. U abaalmariya sidii shuqulkeedu ahaa, oo wixii ay samayn jirtay oo dhan ku sameeya, waayo, waxay ku kibirtay Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 6Waayo, bal eega, waxaan soo kicinayaa reer Kaldayiin oo ah quruuntaas qadhaadh oo degdegga badan oo dhulka ballaadhkiisa mara inay hantiyaan meelo la dego oo ayan iyagu lahayn.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu Baabuloon iyo kuwa dalka reer Kaldayiin dhex degganba waxaan ku soo kicin doonaa dabayl wax baabbi'isa.

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 1¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.

  • 13¶ Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.

  • 22Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.

  • 8Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.

  • 5Sara joogsada, oo ina keena aynu iyada habeennimo weerarnee, oo aynu daaraheeda waaweyn wada duminnee.

  • 7Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.