Yeremyaah 48:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 13:22 : 22 Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
  • Ish 16:13-14 : 13 ¶ Kanu waa eraygii uu Rabbigu waagii hore reer Moo'aab kaga hadlay. 14 Laakiinse haatan Rabbigu wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Muddo saddex sannadood ah sida shaqaale sannaddiis ayaa sharafta reer Moo'aab lagu quudhsan doonaa, isaga iyo dadkiisa faraha badan, oo kuwa hadhi doonaana waxay ahaan doonaan in yar oo aan tabar lahayn.
  • Yer 1:12 : 12 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Si fiican baad wax u aragtay, waayo, eraygaygaan ka fiirsadaa si aan u oofiyo.
  • Yex 12:23 : 23 Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.
  • Yex 12:28 : 28 Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • 2 But 2:3 : 3 Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
  • Sharc 32:35 : 35 Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh, Markay cagtoodu simbiriirixan doonto, Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay, Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 48:13-15
    3 aayado
    83%

    13Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.

    14Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka?

    15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.

  • Yer 48:17-18
    2 aayado
    82%

    17Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!

    18Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag.

  • Yer 48:1-5
    5 aayado
    81%

    1¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.

    2Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan. Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta.

    3Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.

    4Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.

    5Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.

  • Yer 48:20-21
    2 aayado
    81%

    20Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.

    21Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad,

  • Yer 48:24-26
    3 aayado
    80%

    24iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.

    25Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.

    26Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.

  • Yer 48:36-47
    12 aayado
    80%

    36Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.

    37Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan.

    38Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.

    39Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.

    40Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.

    41Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.

    42Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.

    43Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin.

    44Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.

    45Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda.

    46Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.

    47Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.

  • Ish 16:6-7
    2 aayado
    79%

    6¶ Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa madaxweynaantiisa, iyo kibirkiisa, iyo cadhadiisa, faankiisuna waa wax aan waxba tarayn.

    7Sidaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay.

  • Ish 16:11-14
    4 aayado
    78%

    11Haddaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.

    12Oo markii Moo'aab iskeeno oo uu meesha sare ku daalo, oo uu meeshiisa quduuska ah u yimaado si uu ugu tukado, innaba ma guulaysan doono.

    13¶ Kanu waa eraygii uu Rabbigu waagii hore reer Moo'aab kaga hadlay.

    14Laakiinse haatan Rabbigu wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Muddo saddex sannadood ah sida shaqaale sannaddiis ayaa sharafta reer Moo'aab lagu quudhsan doonaa, isaga iyo dadkiisa faraha badan, oo kuwa hadhi doonaana waxay ahaan doonaan in yar oo aan tabar lahayn.

  • Ish 15:1-5
    5 aayado
    77%

    1¶ Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.

    2Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.

    3Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.

    4Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.

    5Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.

  • 8Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.

  • Yer 48:8-9
    2 aayado
    76%

    8Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.

    9Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.

  • 31Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.

  • 29Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba.

  • 2Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.

  • 9Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.

  • 4Kuwa Moo'aab ee masaafurisyada ah ha kula joogeen, oo waxaad gabbaad uga noqotaa kan iyaga dhacaya, waayo, kii wax dulmi jiray wuu dhammaaday, dhiciddiina way joogsatay, kuwii dadka cadaadin jirayna dalkaa laga baabbi'iyey.

  • 34Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.

  • 2Waayo, sidii shimbir wareegaysa oo buulkeedii laga tuuray ayaa gabdhaha Moo'aab ku ahaan doonaan meelaha Webi Arnoon laga gudbo.

  • 29Moo'aabay, waa kuu hoog! Waad baabba'day, dadka reer Khemooshow. Wiilashiisii wuxuu u sii daayay sida laajiyo, Gabdhihiisiina wuxuu maxaabiis ahaan ugu sii daayay Boqorka reer Amor oo Siixon ahaa.