Ayuub 10:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa? Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 But 3:8 : 8 ¶ Laakiinse, gacaliyayaalow, waxan keliya ha illoobina in maalin keliyahu Rabbiga la tahay sida kun sannadood, kun sannadoodna la yihiin sida maalin keliya.
  • Ayuub 36:26 : 26 Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
  • Sab 90:2-4 : 2 Intaan buuruhu dhalan ka hor, Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah. 3 Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow. 4 Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
  • Sab 102:12 : 12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
  • Sab 102:24-27 : 24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab. 25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga. 26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan, 27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
  • Cib 1:12 : 12 Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 10:3-4
    2 aayado
    85%

    3Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?

    4Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?

  • 6Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,

  • Sab 39:4-5
    2 aayado
    77%

    4Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.

    5Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)

  • 1War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?

  • 76%

    17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?

    18Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa, Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?

  • 5Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.

  • Sab 144:3-4
    2 aayado
    75%

    3Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?

    4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

  • 24Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 5Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.

  • 47Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!

  • Sab 90:3-4
    2 aayado
    73%

    3Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.

    4Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.

  • 73%

    10Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn, Oo aabbahaa ka sii fil weyn.

    11Ma kugu yar yihiin qalbiqabowjiska Ilaah Iyo erayga sida qabow kuula macaamiloodaa?

    12Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa? Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?

    13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

    14Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado? Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?

  • 21Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!

  • Sab 90:9-12
    4 aayado
    73%

    9Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.

    10Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.

    11Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?

    12Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.

  • 3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

  • 7War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay? Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?

  • 9(Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)

  • 15Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.

  • 5Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.

  • 11Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.

  • 5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

  • 4Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?

  • 17War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?

  • 14Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.

  • 4Markii aan xoog lahaan jiray, Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,

  • 7Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan, Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.

  • 71%

    11Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?

    12War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa?

  • 11Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan, Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.

  • 2Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)

  • 8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 1Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.

  • 17Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii, Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.

  • 8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.