Ayuub 32:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan, Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 12:12 : 12 Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
  • Maah 16:31 : 31 Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.
  • Cib 5:12 : 12 Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.
  • Sab 34:11-12 : 11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa. 12 Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?
  • Maah 1:1-4 : 1 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil, 2 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada, 3 In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada; 4 Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
  • 1 Boq 12:6-8 : 6 Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa? 7 Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maanta haddaad doonayso inaad dadkan addoon u ahaatid oo aad u adeegtid, haddaba u jawaab oo waxaad kula hadashaa erayo wanaagsan, oo markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan. 8 Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.
  • Ayuub 8:8-9 : 8 Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen, 9 (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.) 10 War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 32:4-6
    3 aayado
    82%

    4Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen.

    5Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.

    6¶ Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin, Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.

  • Ayuub 34:1-2
    2 aayado
    76%

    1Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,

    2Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

  • 75%

    12Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.

    13Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.

  • 74%

    8Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira, Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.

    9Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh, Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.

    10Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta; Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.

    11Bal eega, erayadiinnii waan sugayay, Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay, Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.

  • 73%

    34Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba Waxay igu odhan doonaan,

    35Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa, Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.

  • Ayuub 36:1-2
    2 aayado
    73%

    1Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,

    2Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.

  • 1Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,

  • 7Bal xusuuso waagii hore, Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood, Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa, Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.

  • 3Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.

  • 72%

    31Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.

    32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

    33Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.

  • 5Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.

  • Ayuub 42:3-4
    2 aayado
    71%

    3Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.

    4Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.

  • Ayuub 12:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

    2Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.

    3Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale, Oo weliba idinkama aan liito. Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?

  • 17Bal i maqal, wax baan ku tusayaa, Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;

  • 5Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa? Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?

  • 12Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.

  • 22Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.

  • 4Markii aan xoog lahaan jiray, Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,

  • 10Ha odhan, Waayihii hore bal maxay kuwan uga fiicnaayeen? Waayo, xaalkan si caqliya u weyddiin maysid.

  • 17Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa, Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.

  • 70%

    13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.

    14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 15Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

  • 2War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.

  • 11Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan, Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.

  • 5Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.

  • 8Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

  • 4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

  • 1Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 20Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.

  • 32Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

  • 1Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.

  • 11Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan, Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.

  • 10War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?