Ayuub 36:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 3:20 : 20 Aqoontiisa ayaa moolalku ku dillaaceen, Oo cirkuna wuxuu soo daadiyaa sayax.
  • Bil 7:11-12 : 11 Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay. 12 Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.
  • Ayuub 37:11-13 : 11 Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan, Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa, 12 Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan, 13 Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis, Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 27Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,

  • 79%

    11Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan, Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,

    12Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,

  • 78%

    29Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?

    30Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.

    31Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.

    32Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.

    33Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.

  • Ayuub 37:5-6
    2 aayado
    78%

    5Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa, Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.

    6Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.

  • 76%

    24Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?

    25Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,

    26Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,

    27Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?

    28Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?

  • 20Aqoontiisa ayaa moolalku ku dillaaceen, Oo cirkuna wuxuu soo daadiyaa sayax.

  • Ayuub 26:8-9
    2 aayado
    75%

    8Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.

    9Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.

  • 34Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?

  • 10Oo dhulka roob ku di'iya, Beerahana biyo u soo dira.

  • 16Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 6Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.

  • 8Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.

  • 37Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,

  • 2Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka, Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa, Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,

  • 10Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da'aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiinse ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna,

  • 13Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 17Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.

  • 7Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • Sab 65:9-10
    2 aayado
    72%

    9Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.

    10Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.

  • 13Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.

  • 72%

    25Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.

    26Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,

  • 7Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako,

  • 1¶ Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.

  • 26Oo iyaga iyo meelaha buurtayda ku wareegsanba barako baan ka dhigi doonaa, oo roobkana xilligiisaan u soo di'in doonaa, oo waxaa jiri doona tiixo barakee.

  • 71%

    15War miyaad taqaan siduu iyaga u amro, Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?

    16Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha, Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?

  • 21Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya, Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.

  • 3Haddii daruuruhu roob ka buuxsamaan, dhulkay ku soo daataan, oo haddii geed xagga koonfureed amase xagga woqooyi u dhaco, meeshuu u dhacay ayuu oolli doonaa.

  • 8Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

  • 9Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan, Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.

  • 22Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.

  • 28Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,

  • 14de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.

  • 18Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.

  • 23Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale, Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.

  • 24Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan.