Ayuub 39:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 8:7 : 7 Sida xaqiiqada ah xuurta samadu xilligeeda way taqaan, oo qoolleyda, iyo dabfallaadha, iyo saratoosiyuhuba way dhawraan xilliga imaatinkooda, laakiinse dadkaygu Rabbiga xukunkiisa ma ay yaqaaniin.
  • Sak 5:9 : 9 Oo markaasaan indhaha kor u taagay, oo intaan wax fiiriyey ayaan arkay laba naagood oo soo baxay, oo dabayshuna waa ku jirtay baalashooda. Iyagu waxay lahaayeen baalal u eg baalasha xuurta oo kale, oo iyana intay eefaahdii kor u qaadeen ayay meel dhulka iyo samada u dhaxaysa geeyeen.
  • Laaw 11:19 : 19 iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.
  • 1 Boq 10:22 : 22 Maxaa yeelay, boqorku wuxuu badda ku lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo ay la jiraan Xiiraam doonniyihiisa; oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.
  • 2 Taar 9:21 : 21 Maxaa yeelay, boqorku wuxuu lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo waxay raaceen addoommadii Xuuraam, oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.
  • Ayuub 30:29 : 29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka, Iyo saaxiibka gorayada.
  • Sab 104:17 : 17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    14Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa, Oo ciidday ku diirisaa,

    15Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.

  • 78%

    11Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?

    12Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno, Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?

  • 78%

    26Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?

    27Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?

  • 5Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?

  • 73%

    19War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?

    20War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.

  • 11Sida gorgorku buulkiisii u lulo, Oo dhashiisa ugu kor ruxmo, Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado, Oo garbihiisa ugu xambaaro,

  • 71%

    15iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag ah,

    16iyo guumaysta yar, iyo guumaysta weyn, iyo guumaysgeesaleyda,

    17iyo cantalyaaga, iyo gorgorka, iyo xeebajoogta,

    18iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta.

  • 71%

    16iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,

    17iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,

    18iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,

    19iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.

  • 14Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey.

  • 15Oo abeesaduna halkaasay buul ka samaysan doontaa, oo ukunteeda ku dhali doontaa, oo ku dillaacin doontaa, oo waxay ku soo ururin doontaa hooskeeda, oo gorgoraduna halkaasay ku soo ururi doonaan, oo mid kastaaba waxay la jiri doontaa ka qaba.

  • 11Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?

  • 4Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.

  • Ayuub 39:1-2
    2 aayado
    69%

    1War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?

    2Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?

  • 41Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?

  • 7Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,

  • 69%

    12Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,

    13iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

  • 7Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,

  • 17Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.

  • 13Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan, Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay, Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?

  • 6¶ Jidka hortaadaa haddaad ka heshid shimbir buulkeed oo geed ama dhulka ku yaal, oo ay buulka ku jiraan dhal ama ugxan iyo hooyadood oo ku fadhida dhashii ama ugxantii waa inaadan hooyada la qaadan dhasha.

  • 5Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.

  • 39Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,

  • 9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?

  • 14iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

  • 9Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

  • 11Kii si aan xaq ahayn maal ku soo urursadaa wuxuu la mid yahay digaagduurta ku dul fadhida ugxan ayan dhalin, oo wuxuu ka tegi doonaa kalabadhka cimrigiisa, oo ugudambaystiisana nacas buu ahaan doonaa.

  • 17ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,

  • 4In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 9Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,

  • 14Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.

  • 8Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya?

  • 18Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka U xoogga badan sidii muraayad la shubay?

  • 3oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa Lubnaan yimid gorgor weyn oo baadad waaweyn oo baalashiisu dheerdheer yihiin, oo baalal badan oo kala midab ah leh, oo wuxuu qaatay intii ugu sarraysay oo geedka kedarka la yidhaahdo.

  • 6Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.

  • 18Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,

  • 16Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha, Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?

  • 26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?

  • 12Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.