Maahmaahyadii 23:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 27:24 : 24 Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
  • 1 Tim 6:17 : 17 ¶ Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno.
  • Yac 5:1-2 : 1 ¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya. 2 Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay.
  • 1 Yoox 2:16 : 16 Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.
  • Bil 42:36 : 36 Markaasaa aabbahood Yacquub wuxuu iyagii ku yidhi, Gablan baad iga dhigteen, bal eeg, Yuusuf ma joogo, oo Simecoon ma joogo, oo haddana waxaad kaxayn doontaan Benyaamiin; waxyaalahan oo dhammu waa iga gees.
  • Ayuub 1:14-17 : 14 waxaa Ayuub u yimid mid wargeeye ah oo wuxuu ku yidhi, Iyadoo dibidii ay beerta jeexayaan oo dameerihiina ay agtooda daaqayaan 15 ayaa waxaa na soo weeraray reer Shebaa, oo waxay dheceen xoolihii, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 16 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Ilaah dabkiisii ayaa samada ka soo dhacay, oo wuxuu wada gubay oo baabbi'iyey idihii iyo midiidinnadii la jirayba, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 17 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Reer Kaldayiin oo saddex koox ah ayaa geelii soo weeraray, oo dhammaantiisna way dheceen, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.
  • Sab 39:6 : 6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
  • Sab 119:36-37 : 36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah. 37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
  • Wacd 1:2 : 2 ¶ Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
  • Wacd 5:13-14 : 13 ¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno. 14 Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.
  • Wacd 12:8 : 8 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
  • Ish 55:2 : 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.
  • Yer 22:17 : 17 Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
  • Mat 6:19 : 19 ¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,
  • 1 Kor 7:29-31 : 29 Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin; 30 oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn; 31 kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 23:3-4
    2 aayado
    83%

    3Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.

    4Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.

  • 22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

  • 6Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,

  • 11Kii si aan xaq ahayn maal ku soo urursadaa wuxuu la mid yahay digaagduurta ku dul fadhida ugxan ayan dhalin, oo wuxuu ka tegi doonaa kalabadhka cimrigiisa, oo ugudambaystiisana nacas buu ahaan doonaa.

  • 10Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.

  • 73%

    23Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.

    24Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?

  • 7Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,

  • Wacd 5:10-11
    2 aayado
    73%

    10¶ Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    11Markii maalku bato kuwa cunaana way sii bataan. Maalku bal muxuu kan leh u taraa inuu indhihiisa ku fiiriyo mooyaane?

  • 7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

  • 9¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!

  • 19Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?

  • 9Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag.

  • 20Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.

  • 28Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.

  • 27Sida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen.

  • Wacd 5:13-14
    2 aayado
    71%

    13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.

    14Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.

  • 6Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,

  • 6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • 20Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga, oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo, shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oo wax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.

  • 17¶ Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno.

  • 26Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.

  • 17Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;

  • 19Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

  • 19¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,

  • 9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 10Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,

  • 11Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

  • 70%

    26Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?

    27Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 2waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 2Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay.

  • 29Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.

  • 33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

  • 11Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.

  • 4In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 12Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa? Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?

  • 11Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.

  • 5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

  • 5Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.

  • 13Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?

  • 27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.

  • 23¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,

  • 4Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.