Cobaadyaah 1:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 14:12-15 : 12 Xiddigta waaberiyow, Inanka arooryadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday! 13 Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal. 14 Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale. 15 Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.
  • Xab 2:9 : 9 ¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!
  • Ayuub 20:6-7 : 6 In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho, 7 Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?
  • Ayuub 39:27-28 : 27 Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa? 28 Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.
  • Yer 49:16 : 16 Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa.
  • Yer 51:53 : 53 Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.
  • Aam 9:2 : 2 Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Coba 1:2-3
    2 aayado
    90%

    2Bal eega, quruumaha dhexdooda waan idinku yareeyey, oo si weyn baa laydiin quudhsaday.

    3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

  • Yer 49:15-16
    2 aayado
    90%

    15Waayo, bal eeg, waxaan kaa dhigay mid quruumaha dhexdooda ku yar, oo dadka dhexdiisana lagu quudhsado.

    16Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa.

  • Ish 14:12-15
    4 aayado
    77%

    12Xiddigta waaberiyow, Inanka arooryadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday!

    13Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal.

    14Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale.

    15Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.

  • Yex 28:16-17
    2 aayado
    76%

    16Baayacmushtarigaaga badan aawadiis waxaa dhexdaada laga buuxiyey dulmi, waanad dembaabtay, oo sidaas daraaddeed ayaan adiga sida wax nijaas ah oo kale buurta Ilaah kaaga xooray. Keruubkii wax dabooli jirayow, waan ku halligay oo dhagxanta dabka ah dhexdooda waan kaa baabbi'iyey.

    17Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.

  • 27Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?

  • 10¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,

  • 5Haddii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah?

  • Yer 50:31-32
    2 aayado
    74%

    31Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.

    32Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.

  • 3oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa Lubnaan yimid gorgor weyn oo baadad waaweyn oo baalashiisu dheerdheer yihiin, oo baalal badan oo kala midab ah leh, oo wuxuu qaatay intii ugu sarraysay oo geedka kedarka la yidhaahdo.

  • 12Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.

  • 5Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.

  • Ish 2:11-12
    2 aayado
    73%

    11¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

    12Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,

  • 2Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.

  • 19Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.

  • 9¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • 11Sida gorgorku buulkiisii u lulo, Oo dhashiisa ugu kor ruxmo, Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado, Oo garbihiisa ugu xambaaro,

  • 15Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,

  • 4Oo hoos baa laguu soo dejin doonaa, oo dhulkaad ka dhex hadli doontaa, oo hadalkaaguna isagoo gaaban ayuu ciidda ka yeedhi doonaa, oo codkaaguna wuxuu ahaan doonaa sida mid ruuxaan leh oo dhulka ka yeedhaya, oo hadalkaaguna ciidduu ka shuqshuqlayn doonaa.

  • 17Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 23Wargeeyayaashaadii ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda; Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meesha ugu fog hoygeeda, iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

  • 12Markay tagaan waxaan ku kor fidin doonaa shabaggayga, oo iyagaan u soo dejin doonaa sida haadda samada, oo sidii ururkoodu maqlay ayaan iyaga u edbin doonaa.

  • 20markaasaan kula dejin doonaa kuwa yamayska ku dhaadhaca, kuwaasoo ah dadkii waayihii hore jiri jiray, oo waxaan dhulka meesha ugu hoosaysa, oo ah meelo waa hore cidloobay, kula fadhiisin doonaa kuwa yamayska ku dhaadhaca, si aan ciduna kuu degin, oo dalka kuwa noolna waxaan dhex dhigi doonaa sharaf.

  • 40Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.

  • Ish 37:23-24
    2 aayado
    71%

    23Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

    24Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.

  • 53Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.

  • 17Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa.

  • 1¶ Buunka afkaaga saar. Cadowgu sidii gorgor buu u imanayaa guriga Rabbiga, maxaa yeelay, dadku axdigaygay jebiyeen, oo sharcigaygiina way ku xadgudbeen.

  • 4Oo markaasaan dhulka kaaga tegi doonaa, oo berrin bannaan baan kugu xoori doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay haadka samada oo dhammu kugu dul fadhiyaan, oo dugaagga dunida oo dhan ayaan kaa dherjin doonaa.

  • 18Oo boqorka iyo hooyadiisa boqoradda ahba waxaad ku tidhaahdaa, Is-hoosaysiiya, waayo, taajkii sharaftiinnu hoos buu madaxa uga soo dhacay.

  • 49Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn,

  • 2Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay.

  • 3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

  • 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

  • 4Waxaad ku kor le'an doontaa buuraha reer binu Israa'iil, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan iyo dadka kula jiraaba, oo haadka adag ee cayn kasta ah iyo dugaagga duurka ayaan cunto ahaan kuu siin doonaa inay ku cunaan.

  • 15Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.

  • 11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.

  • 4Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya?

  • 12Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.