Ayuub 40:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 104:14 : 14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
  • Sab 104:26 : 26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
  • Sab 147:8-9 : 8 Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya. 9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
  • Ayuub 40:15 : 15 Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.

  • 19Iyadu jidadka Ilaah waa u madax, Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.

  • 21Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan, Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.

  • 21Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.

  • 74%

    39Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,

    40Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?

  • 73%

    20Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.

    21Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.

  • 15Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.

  • Sab 148:9-10
    2 aayado
    73%

    9Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,

    10Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

  • 18Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.

  • 7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

  • Sab 50:10-11
    2 aayado
    73%

    10Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.

    11Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.

  • 8Markaasaa bahalladu hogag galaan, Oo waxay iska joogaan boholahooda.

  • Sab 147:8-9
    2 aayado
    72%

    8Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.

    9Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

  • 9¶ Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.

  • Ayuub 28:8-9
    2 aayado
    71%

    8Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.

    9Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.

  • 71%

    10Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,

    11Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.

    12Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.

    13Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.

    14Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,

  • 13Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.

  • 6Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?

  • 8Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay.

  • 20Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.

  • 70%

    22Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta, Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.

    23Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.

  • 34Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.

  • Ayuub 39:1-2
    2 aayado
    70%

    1War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?

    2Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?

  • 6Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.

  • 15Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,

  • 12Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.

  • 7Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,

  • 4Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar.

  • 33Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.

  • 6Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya, Isagoo dhexda xoog ku xidhay.

  • Nax 2:11-12
    2 aayado
    69%

    11Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?

    12Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.

  • 27Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.

  • 5Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?

  • 20Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,

  • 21oo caleemihiisu qurxoonaayeen, midhihiisuna badnaayeen, oo cuntada wax walba ku filanu ku tiil; oo hoostiisa xayawaanka duurku hadhsanayeen, oo laamihiisa haadka cirku rugta ka dhigtay,

  • 23Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto, In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.

  • 18Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin.