Ayuub 40:19
Iyadu jidadka Ilaah waa u madax, Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
Iyadu jidadka Ilaah waa u madax, Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
18Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah; Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
20Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
10Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
3Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.
4Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?
19War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?
20War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.
21Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.
22Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo.
23Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
24Wuu ka carari doonaa hubka birta ah, Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
25Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa, Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda, Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
15Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale, Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
32Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.
33Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
34Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
26In kastoo lagula kaco seef, Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.
27Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale, Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.
28Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.
33Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.
34Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.
35Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
7Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa? Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
13Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
26Wuxuu kula ordaa madax adag Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.
32Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo, Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.
33Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale, Oo cabsila'aan la abuuray.
22Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
11Oo seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya.
9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
18Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?
19Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah.
30Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
12Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
2Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.
13Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara? Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?
14Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara? Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.
31Ilaah jidkiisu waa qumman yahay; Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isku halleeya oo dhan.
2Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale.
2Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh, Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa.
13Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.
22Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
14Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?
2Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
10Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho, Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?
12Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?
18Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
16Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
43Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa, Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
5Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.