Ayuub 9:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 10:2 : 2 Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
  • Ayuub 40:2 : 2 Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
  • Sab 19:12 : 12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
  • Sab 40:12 : 12 Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
  • Ish 57:15-16 : 15 ¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena. 16 Waayo, ilaa weligay diriri maayo oo ilaa weligay sii cadhaysnaan maayo, haddii kalese ruuxii iyo nafihii aan abuurayba hortayda way ku taag darnaan lahaayeen.
  • Room 9:20 : 20 Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay?
  • 1 Yoox 1:8 : 8 Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.
  • 1 Yoox 3:20 : 20 xagga wax alla wixii qalbigeennu inagu eedeeyo, maxaa yeelay, Ilaah waa ka weyn yahay qalbigeenna, oo wax walbaba wuu og yahay.
  • Ayuub 23:3-7 : 3 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado! 4 Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa. 5 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo. 6 Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa. 7 Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.
  • Ayuub 31:35-37 : 35 Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray! 36 Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale. 37 Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.
  • Ayuub 33:13 : 13 Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.
  • Ayuub 34:14-15 : 14 Hadduu keligiis iska fikiri lahaa, Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa, 15 Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa, Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.
  • Ayuub 9:20 : 20 In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.
  • Ayuub 9:32-33 : 32 Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno. 33 Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 4Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?

  • 80%

    12Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.

    13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

  • Ayuub 40:1-3
    3 aayado
    79%

    1Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

    2Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.

    3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 78%

    10Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.

    11Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.

    12Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?

    13Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.

    14Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

    15In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.

    16Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.

  • 19Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?

  • 78%

    32Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.

    33Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.

  • Ayuub 9:1-2
    2 aayado
    76%

    1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

    2Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?

  • Ayuub 23:5-7
    3 aayado
    76%

    5Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.

    6Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.

    7Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.

  • 19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 74%

    13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.

    14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

  • 23Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay; Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.

  • 10Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?

  • 13Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.

  • 10¶ Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan.

  • 10Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho, Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?

  • 29Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?

  • 5Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 4War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?

  • 9Oo waxaan tagaa xagga bidix markuu shaqaynayo, laakiinse uma aan jeedi karo; Oo wuxuu ku dhuuntaa xagga midig laakiinse kama arki karo.

  • 23Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.

  • 3Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.

  • 14Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado? Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?

  • 8War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?

  • Ayuub 40:8-9
    2 aayado
    70%

    8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

    9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?

  • 7War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?

  • 17War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?

  • 2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

  • 23Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman,

  • 9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?

  • 13Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.

  • 8Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.