Ayuub 42:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 8:6-7 : 6 Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa. 7 Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
  • Sab 14:7 : 7 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
  • Ish 40:2 : 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Sharc 30:3 : 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.
  • Ayuub 1:3 : 3 Oo weliba xoolihiisuna waxay ahaayeen toddoba kun oo ido ah, iyo saddex kun oo geel ah, iyo shan boqol oo dibi oo laba laba ah, iyo shan boqol oo dameerood oo dhaddig ah, oo weliba wuxuu kaloo lahaa addoommo aad u badan, oo sidaas daraaddeed ninkaasu wuxuu ahaa kan ugu wada weyn dadka bariga oo dhan.
  • Ish 61:7 : 7 Meeshii ceebtiinna sharaf labanlaab ah baad ka heli doontaan, oo meeshii qasmiddana waxay ku rayrayn doonaan qaybtooda, sidaas daraaddeed iyagu dalkooda qayb labanlaab ah bay ku hantiyi doonaan, oo waxaa iyaga u ahaan doonta farxad weligeed ah.
  • Sab 126:1 : 1 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
  • Fal 7:60 : 60 Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.
  • Sab 126:4-6 : 4 Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed. 5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan. 6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.
  • Maah 22:4 : 4 Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
  • Xag 2:8 : 8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.
  • Luuk 16:27 : 27 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid,
  • Fal 7:50 : 50 Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?
  • Ayuub 5:18-20 : 18 Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan. 19 Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba. 20 Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.
  • 1 Sam 2:7 : 7 Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga. Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
  • 2 Taar 25:9 : 9 Markaasaa Amasyaah wuxuu ku yidhi ninkii Ilaah, Haddaba sidee baannu ka yeelaynaa boqolkii talanti oo aan siiyey ciidanka Israa'iil? Kolkaasaa ninkii Ilaah u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigu wuu awoodaa inuu ku siiyo wax intaas ka sii badan.
  • Sab 53:6 : 6 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
  • Sab 85:1-3 : 1 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub. 2 Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah) 3 Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
  • Ayuub 22:24-25 : 24 Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka, 25 Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.
  • Bil 20:17 : 17 Ibraahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.
  • Bax 17:4-5 : 4 Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan. 5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.
  • Tir 12:2 : 2 Oo iyagu waxay yidhaahdeen, War Rabbigu ma Muuse keliyuhuu la hadlay? Miyuusan annagana nala hadlin? Oo Rabbigu taas wuu maqlay.
  • Tir 12:13 : 13 Markaasaa Muuse Rabbiga u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Ilaahow, waan ku baryayaaye, iyada bogsii.
  • Tir 14:1-4 : 1 ¶ Oo shirkii oo dhammuna codkoodii bay kor u qaadeen oo qayliyeen, oo dadkiina habeenkaas way ooyeen. 2 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno! 3 Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona? 4 Oo markaasaa midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu madax doorannee oo aynu Masar isaga noqonnee.
  • Tir 14:10 : 10 Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.
  • Tir 14:13-20 : 13 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay. 14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah. 15 Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 16 Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay. 17 Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi, 18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad. 19 Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax. 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Sidaad u tidhi, waan u saamaxay,
  • Tir 16:21-22 : 21 Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. 22 Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?
  • Tir 16:46-48 : 46 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay. 47 Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday. 48 Markaasuu isdhex taagay kuwii dhintay iyo kuwii noolaa; oo belaayadiina way joogsatay.
  • Sharc 8:18 : 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.
  • Sharc 9:20 : 20 Oo Rabbigu Haaruunna aad buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna isla markaasaan Rabbiga u baryay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    11Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.

    12Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood.

    13Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood.

  • Ayuub 42:6-9
    4 aayado
    76%

    6Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.

    7¶ Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

    8Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

    9Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.

  • 1Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • Ayuub 29:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,

    2Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore, Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,

  • 1Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi,

  • 3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen.

  • 1Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,

  • 68%

    20Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday,

    21oo wuxuu yidhi, Anigoo qaawan baan uurkii hooyaday ka soo baxay, oo haddana anigoo qaawan baan halkaas ku noqon doonaa. Rabbigaa wax i siiyey, oo haddana Rabbigaa iga qaatay, ammaan waxaa leh magaca Rabbiga.

    22Oo waxyaalahaas oo dhan Ayuub innaba kuma uu dembaabin, oo Ilaahna eed kama uu sheegin.

  • 26Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 5Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.

  • 6Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 67%

    10Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.

    11¶ Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan.

    12Oo markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen.

  • 6Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,

  • 67%

    16Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah.

    17Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 11Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.

  • 2Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 11Rabbigu wuxuu yidhi, Sida runta ah waad nabdoonaan doontaa, sida runta ah waxaan ka dhigi doonaa in cadowgu ku baryo wakhtigii masiibo jirto iyo wakhtigii dhib jiro.

  • 21Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.

  • 10Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji, Aan iyaga ka aar goostee.

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 12Ku noqda qalcadda, maxaabiistiinna rajada lahow, maantadan ayaan caddaynayaa inaan laba jibbaar idin siinayo.

  • Ayuub 2:3-4
    2 aayado
    66%

    3Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo.

    4Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa.

  • 14Ayuubow, bal tan dhegayso, Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.

  • 21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.

  • 26Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa, Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.

  • 3markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.

  • 4Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.

  • 13¶ Oo maalin ay wiilashiisii iyo gabdhihiisii wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkoodii ugu weynaa ayaa