Ayuub 19:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 1:11 : 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.
  • Sab 38:2 : 2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
  • Room 12:15 : 15 La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.
  • 1 Kor 12:26 : 26 Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan.
  • Cib 13:3 : 3 U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah.
  • Ayuub 2:5 : 5 Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa.
  • Ayuub 2:10 : 10 Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.
  • Ayuub 6:4 : 4 Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira, Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa, Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
  • Ayuub 6:14 : 14 Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    19Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.

    20Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.

  • 22Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?

  • 78%

    20Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.

    21Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • Bar 3:3-4
    2 aayado
    74%

    3Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.

    4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

  • 16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

  • 74%

    13War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?

    14Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.

  • 74%

    18Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.

    19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.

  • Ayuub 6:9-10
    2 aayado
    73%

    9Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!

    10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • 9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

  • Bar 1:21-22
    2 aayado
    73%

    21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

    22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 14Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 11Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan, Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.

  • 72%

    13Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.

    14Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.

  • 21Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.

  • 2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.

  • 1Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.

  • 16Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey, Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,

  • 19Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.

  • 10Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.

  • 4Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?

  • 20Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

  • 21Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.

  • 13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • 6Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.

  • 15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

  • 11Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.

  • 22Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

  • 71%

    26Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,

    27Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay.

  • 4Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

  • 3Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?

  • 5Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.

  • 7Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

  • 15Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.

  • 21Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,

  • 19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.