Yooxanaa 11:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ciise waa ooyay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 19:41 : 41 ¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,
  • Yoox 11:33 : 33 Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.
  • Cib 4:15 : 15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.
  • Yer 13:17 : 17 Laakiinse haddaad maqli weydaan, naftaydu meel qarsoon bay kibirkiinna aawadiis u ooyi doontaa, oo indhahayguna aad bay u ooyi doonaan, oo ilmaa ka soo daadan doonta, maxaa yeelay, dadkii Rabbiga waa la kaxaystay sida adhi oo kale.
  • Yer 14:17 : 17 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa erayadan, Habeen iyo maalinba indhahayga ilmo ha ka hoorto, oo yaanay marnaba joogsan, waayo, dadkayga oo ah sida gabadh bikrad ah nabar weyn baa ku dhacay iyo dhaawac aad iyo aad u xun.
  • Bar 1:16 : 16 Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.
  • Luuk 19:11 : 11 ¶ Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto.
  • Ayuub 30:25 : 25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
  • Sab 35:13-15 : 13 Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay. 14 Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta. 15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
  • Sab 119:136 : 136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
  • Ish 53:3 : 3 Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn.
  • Ish 63:9 : 9 Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.
  • Yer 9:1 : 1 ¶ Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!
  • Room 9:2-3 : 2 in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga. 3 Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay,
  • Cib 2:16-17 : 16 Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim. 17 Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka.
  • Bil 43:30 : 30 Markaasuu Yuusuf dhaqsaday, oo goobtay meel uu ku ooyo, waayo, walaalkiis buu u beernuglaaday oo wuxuu galay qowladdiisii, oo halkaasuu ku ooyay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    30Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.

    31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.

    32Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

    33Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.

    34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.

  • 82%

    36Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.

    37Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?

    38¶ Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa.

    39Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa.

  • Luuk 7:11-14
    4 aayado
    79%

    11¶ Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba.

    12Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.

    13Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin.

    14Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac.

  • 41¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,

  • 75%

    43Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.

    44Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

  • 75%

    17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.

    18Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon.

    19Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.

    20¶ Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday.

    21Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

  • 11¶ Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay.

  • 13Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.

  • Mark 5:38-39
    2 aayado
    74%

    38Kolkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya.

    39Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.

  • 15Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye.

  • Luuk 8:52-53
    2 aayado
    73%

    52Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa.

    53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay.

  • 73%

    11Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.

    12Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.

    13Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada.

    14Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay.

  • Yoox 11:5-6
    2 aayado
    73%

    5¶ Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.

    6Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.

  • 23Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.

  • 41Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.

  • 72%

    19Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?

    20Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waad ooyi doontaan oo barooran doontaan, duniduse waa farxi doontaa. Waad murugoon doontaan, laakiin murugaddiinnu waxay u rogman doontaa farxad.

  • 37Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey.

  • 45Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

  • 3Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.

  • 70%

    27¶ Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya.

    28Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,

  • 1¶ Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

  • 17Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan.

  • 62Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.

  • 1¶ Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.

  • 15La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.

  • 22Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.

  • 11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.