Luukos 23:27
¶ Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya.
¶ Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
55Waxaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga,
56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.
48Dadkii oo dhan oo daawasho isugu yimid, goortay arkeen wixii dhacay, ayay noqdeen iyagoo laabta garaacaya.
49Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii Ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay, iyagoo waxaas dayaya.
28Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,
54Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.
55Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.
26¶ Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado.
40Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome,
41oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.
29¶ Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.
25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,
11¶ Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba.
12Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.
13Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin.
24Markaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhiyeen.
1¶ Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos.
33Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.
31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.
39Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen,
2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.
37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.
38Kolkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya.
41¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,
31Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
32¶ Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.
35Ciise waa ooyay.
22Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.
10Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.
35Oo markii Bawlos sallaankii fuulay, waxaa dhacay in askartii kor u qaadday isagii dadkii badnaa xooggooda aawadiis,
36waayo, dadkii faraha badnaa waa daba socday, iyagoo qaylinaya oo leh, Naga fogeeya.
10Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.
27¶ Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.
37Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.
36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.
32¶ Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo.
37Oo wuxuu watay Butros iyo labada wiil oo Sebedi, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiiraanyoodo.
16¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
17Wayna kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo, oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota,
36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.
37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,
21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.
13Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.
20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.
19Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.
23Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.
23Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.
52Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa.
39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
25¶ Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala.