Yooxanaa 9:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba mar labaad ayay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Ilaah ammaan. Waxaannu garanaynaa inuu ninkanu dembi leeyahaye.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 7:19 : 19 Markaasaa Yashuuca wuxuu Caakaan ku yidhi, Wiilkaygiiyow, waan ku baryayaaye, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ammaan, oo isaga wax u qiro; oo anna hadda ii sheeg waxaad samaysay, oo ha iga qarinin.
  • Yoox 9:16 : 16 Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.
  • Yoox 14:30 : 30 Mar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha.
  • Yoox 16:2 : 2 Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo.
  • Yoox 18:30 : 30 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen.
  • Yoox 19:6 : 6 Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline.
  • Room 8:3 : 3 Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,
  • Room 10:2-4 : 2 Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha. 3 Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa. 4 Waayo, Masiixu wuxuu mid kasta oo rumaysta u yahay sharciga dhammaadkiisii xagga xaqnimada.
  • 2 Kor 5:21 : 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
  • 1 Sam 6:5-9 : 5 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba. 6 Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin? 7 Haddaba sidaas daraaddeed qaata oo diyaariya gaadhi cusub, iyo laba sac oo irmaan ee aan weligood harqood la saarin, oo sacaha gaadhiga ku xidha, weylahoodana ka soo celiya oo guriga keena; 8 markaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee. 9 Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.
  • Sab 50:14-15 : 14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi, 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
  • Ish 66:5 : 5 ¶ Kuwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan.
  • Mark 15:27 : 27 Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa.
  • Luuk 7:39 : 39 Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile.
  • Luuk 15:2 : 2 Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.
  • Luuk 19:7 : 7 Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay.
  • Yoox 5:23 : 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
  • Yoox 8:46 : 46 Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?
  • Yoox 8:49 : 49 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 9:25-26
    2 aayado
    87%

    25Wuxuu haddaba ugu jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa, inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo.

    26Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay?

  • Yoox 9:6-23
    18 aayado
    80%

    6Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii,

    7oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya.

    8Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray?

    9Qaar baa yidhi, Waa isagii, Qaarna waxay yidhaahdeen, Maya, laakiin waa u eg yahay. Isagaa yidhi, Isagii baan ahay.

    10Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen?

    11Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay.

    12Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.

    13¶ Markaasaa kii markii hore indhaha la'aa waxaa loo geeyey Farrisiintii.

    14Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.

    15Mar kale haddaba Farrisiintii waxay weyddiiyeen siduu araggiisa ku helay. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Dhoobuu indhahayga mariyey, oo aan maydhay, oo wax baan arkayaa.

    16Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.

    17Waxay haddaba ninkii indhaha la'aa ku yidhaahdeen, Maxaad ka leedahay isaga, waayo, waa kan indhahaaga furaye? Wuxuu ku yidhi, Waa nebi.

    18Sidaa aawadeed Yuhuuddu kama rumaysanin inuu indha la'aa, oo uu araggiisa helay, ilaa ay u yeedheen waalidkii kii araggiisa helay,

    19oo weyddiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa?

    20Waalidkiis waxay haddaba ugu jawaabeen, Waannu garanaynaa kani inuu wiilkayagii yahay oo uu indhala'aan ku dhashay,

    21laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.

    22Waxyaalahaas waxay waalidkiis u yidhaahdeen, waayo, Yuhuudday ka baqeen. Maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay mar hore ku heshiiyeen in qof uun hadduu u qirto inuu yahay Masiixa, sunagogga laga saaro.

    23Sidaa aawadeed waalidkiis waxay ku yidhaahdeen, Waa nin weyn ee weyddiiya isaga.

  • Yoox 9:29-36
    8 aayado
    79%

    29Waxaannu garanaynaa inuu Ilaah la hadlay Muuse, laakiinse ninkanu meeshuu ka yimid garan mayno.

    30Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.

    31Waannu garanaynaa inaan Ilaah dembilayaashii maqlayn, laakiin wuxuu maqlaa kii Ilaah caabuda oo doonistiisa sameeya.

    32Tan iyo dunida bilowgeedii lama maqlin nin indhaha u furay qof indhala'aan ku dhashay.

    33Ninkanu haddaanu xaggii Ilaah ka iman, waxba ma uu samayn kareen.

    34Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Dhammaantaaba dembiyo waad ku dhalatay ee ma wax baad na baraysaa? Kolkaasay dibadda ku tuureen.

    35¶ Ciise ayaa maqlay inay dibadda ku tuureen, wuuna helay oo ku yidhi, Wiilka Ilaah ma rumaysan tahay?

    36Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yuu yahay, Sayidow, aan rumaystee?

  • Yoox 9:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.

    2Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?

    3Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga.

  • Yoox 9:38-41
    4 aayado
    76%

    38Markaasuu ku yidhi, Waa rumaysnahay, Sayidow. Wuuna caabuday.

    39¶ Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan.

    40Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay?

    41Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.

  • 74%

    41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

    42Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

    43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

  • 72%

    49Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.

    50Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.

    51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

  • 3Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.

  • 12Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco?

  • 35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

  • 14¶ Waxaas dabadeed Ciise wuxuu isaga ka helay macbudka oo ku yidhi, Bal eeg, waad bogsatay, mar dambe ha dembaabin inaan wax ka sii xumi kugu dhicin.

  • 9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,

  • Mark 8:22-23
    2 aayado
    69%

    22¶ Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.

    23Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa?

  • 25Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay, wuuna bogsaday, oo wax walba bayaan buu u arkay.

  • 11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.