Yashuuca 24:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isxaaqna waxaan siiyey Yacquub iyo Ceesaw; Ceesawna waxaan Buur Seciir u siiyey inuu hantiyo, oo Yacquub iyo carruurtiisiina waxay ku dhaadhaceen xagga dalka Masar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 2:5 : 5 hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw.
  • Bil 36:8 : 8 Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.
  • Bil 25:24-26 : 24 Oo markii wakhtigii ay umuli lahayd dhammaaday, bal eeg, waxaa maxalkeedii ku jiray mataano. 25 Oo kii hore wuu soo baxay isagoo cas, korkiisa oo dhammuna wuxuu u ekaa dhar dhogor laga sameeyey, magiciisiina waxay u baxsheen Ceesaw. 26 Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, gacantiisuna waxay ku dhegganayd cedhibta Ceesaw; magiciisiina waxaa loo bixiyey Yacquub; Isxaaqna lixdan sannadood buu jiray markay iyaga dhashay.
  • Fal 7:15 : 15 Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;
  • Sab 105:23 : 23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
  • Bil 32:3 : 3 ¶ Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom.
  • Bil 46:1-7 : 1 ¶ Markaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey. 2 Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 3 Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn. 4 Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga. 5 Markaasaa Yacquub ka tegey Bi'ir Shebac, wiilashii Israa'iilna waxay aabbahood Yacquub, iyo dhallaankoodii, iyo dumarkoodiiba ku qaadeen gaadhifardoodkii Fircoon u soo diray in isaga lagu soo qaado. 6 Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba; 7 kuwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3Markaasaan awowgiin Ibraahim ka soo kexeeyey Webiga shishadiisa, oo aan dhex mariyey dalka Kancaan oo dhan, oo farcankiisiina waan badiyey, oo waxaan siiyey Isxaaq.

  • 12oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.

  • 34¶ Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.

  • Bil 28:4-6
    3 aayado
    77%

    4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

    5Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood.

    6Ceesawna wuxuu arkay in Isxaaq u duceeyey Yacquub oo u diray Fadan Araam, inuu halkaas naag ka guursado, iyo inuu markuu u duceeyey amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan;

  • Sharc 2:4-5
    2 aayado
    75%

    4Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada,

    5hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw.

  • Bil 48:4-5
    2 aayado
    74%

    4oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

    5Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon.

  • 5Oo markaasaan soo diray Muuse iyo Haaruun, oo Masarna belaayaan ku riday, sidii wixii aan dhexdooda ku sameeyey; oo dabadeedna waan idinka soo saaray.

  • Bil 36:8-9
    2 aayado
    73%

    8Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.

    9Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir.

  • 5Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq.

  • 12Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.)

  • 18Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.

  • 4Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.

  • 22Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.

  • 13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

  • Bil 26:2-3
    2 aayado
    72%

    2Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono.

    3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

  • 6Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba;

  • 3¶ Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom.

  • 37Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?

  • 20Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona.

  • 29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

  • 6Markaasaa Ceesaw kaxaystay naagihiisii, iyo wiilashiisii iyo gabdhihiisii, iyo dadkii gurigiisa oo dhan, iyo lo'diisii, iyo xayawaankiisii oo dhan, iyo wixii uu lahaa oo dhan oo uu ku urursaday dalkii Kancaan; markaasuu tegey dal ka fog walaalkiis Yacquub.

  • 4Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.

  • 9Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

  • 33Markaasaa Yacquub ku yidhi, Maanta ii dhaaro. Kolkaasuu u dhaartay, curadnimadiisiina wuxuu ka iibiyey Yacquub.

  • 8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba