Yashuuca 6:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 12:2 : 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;
  • Bil 18:24 : 24 Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood?
  • Bil 19:29 : 29 ¶ Oo waxay noqotay, markii Ilaah baabbi'iyey magaalooyinkii Bannaanka, in Ilaah xusuustay Ibraahim, Luudna roggidda wuu ka bixiyey markuu rogay magaalooyinkii Luud dhex degganaa.
  • Tir 5:2-3 : 2 Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay. 3 Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay.
  • Tir 31:19 : 19 Oo idinna xerada dibaddeeda dega intii toddoba maalmood ah. Oo ku alla kii qof dilay, iyo ku alla kii qof la dilay taabtayba, maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ha isdaahiriyo, idinka iyo maxaabiistiinnuba.
  • Yash 2:13 : 13 iyo inaad badbaadinaysaan aabbahay, iyo hooyaday, iyo walaalahay, iyo waxay haystaan oo dhan, iyo inaad naftayada dhimasho ka samatabbixinaysaan.
  • Yash 2:18 : 18 Markii aannu dalka nimaadno, xadhiggan dunta guduudan ah waa inaad ku xidhaa daaqaddii aad naga dejisay. Oo waa inaad guriga gudihiisa ku soo urursataa aabbahaa, iyo hooyadaa, iyo walaalahaa, iyo reerka aabbahaa oo dhan.
  • Fal 10:28 : 28 markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;
  • Fal 27:24 : 24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan.
  • 1 Kor 5:12 : 12 Waayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira?
  • Ef 2:12 : 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn.
  • Cib 11:7 : 7 Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 6:21-22
    2 aayado
    87%

    21Markaasay wax alla wixii magaalada ku jiray wada baabbi'iyeen, raggii iyo dumarkii, iyo dhallinyaradii iyo kuwii da'da weynaaba, iyo dibidii iyo idihii, iyo dameerradiiba, kulli waxay ku laayeen seef.

    22Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen.

  • Yash 6:24-26
    3 aayado
    85%

    24Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.

    25Laakiinse wuxuu Yashuuca badbaadiyey dhilladii Raxab, iyo reerkii aabbeheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo ilaa maantadan la joogo waxay dhex deggan tahay reer binu Israa'iil, waayo, waxay qarisay basaasyadii Yashuuca u diray inay Yerixoo soo basaasaan.

    26Markaasaa Yashuuca dhaariyey, oo wuxuu iyagii ku amray, oo ku yidhi, Kii kaca oo dhisa magaalada Yerixoo Rabbiga hortiisa inkaaru ha ku dhacdo. Markuu aasaaskeeda dhigo curadkiisuu waayi doonaa, markuu irdaheeda dhisona wiilkiisa ugu yar.

  • Yash 2:1-4
    4 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Yashuuca ina Nuun wuxuu Shitiim si qarsoon uga diray laba nin oo basaasyo ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal taga oo soo ilaaleeya dalka iyo magaalada Yerixoo. Markaasay tageen, oo waxay galeen guri naag dhillo ah oo magaceeda la odhan jiray Raxab, oo halkaasay jiifsadeen.

    2Oo markaasaa boqorkii Yerixoo loo sheegay oo lagu yidhi, Niman reer binu Israa'iil ah ayaa caawa magaalada yimid si ay dalka u ilaaleeyaan.

    3Markaasaa boqorkii Yerixoo cid u diray Raxab, oo ku yidhi, Soo bixi nimankii kuu yimid oo gurigaaga galay, waayo, waxay u yimaadeen si ay dalka oo dhan u ilaaleeyaan.

    4Laakiin naagtii mar horay kaxaysay labadii nin, wayna qarisay; oo waxay tidhi, Haah, nimankii waa ii yimaadeen, laakiinse ma aan garanaynin meel ay ka yimaadeen,

  • Yash 6:16-17
    2 aayado
    78%

    16Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada.

    17Oo magaalada waa inay xaaraan ka noqoto cid kale Rabbiga mooyaane, iyada iyo waxa gudaheeda ku jiraba; waxaa keliyahoo ka noolaanaya dhillada la yidhaahdo Raxab iyo inta guriga kula jirta oo dhan, maxaa yeelay, waxay qarisay basaasyadii aannu dirnay.

  • 31Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.

  • Yash 7:23-24
    2 aayado
    71%

    23Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.

    24Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor.

  • Yash 2:6-8
    3 aayado
    71%

    6Laakiinse waxay iyagii keentay saqafkii dushiisa, oo waxay ku qarisay caws linen la yidhaahdo oo ay qummaati ugu dhigtay saqafka dushiisa.

    7Nimankiina markaasay u raacdaysteen xagga Webi Urdun ilaa meeshii laga gudbi jiray; oo isla markii kuwii iyaga raacdaynayay baxeen ayaa iriddii la xidhay.

    8Oo intaanay seexan ka hor ayaa naagtii saqafkii ugu timid iyagii,

  • 25Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay?

  • Yash 2:13-16
    4 aayado
    70%

    13iyo inaad badbaadinaysaan aabbahay, iyo hooyaday, iyo walaalahay, iyo waxay haystaan oo dhan, iyo inaad naftayada dhimasho ka samatabbixinaysaan.

    14Markaasaa nimankii waxay naagtii ku yidhaahdeen, Naftayadu waxay u bixi doontaa tiinna, haddaydnan sheegin xaalkayaga, oo markii Rabbigu dalka na siiyo roonaan iyo daacadnimo ayaannu kugula macaamiloon doonnaa.

    15Kolkaasay xadhig daaqadda kaga dhex dejisay, waayo, gurigeedu wuxuu ku yiil magaalada derbigeeda, oo waxay degganayd derbiga dushiisa.

    16Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara.

  • 18Markii aannu dalka nimaadno, xadhiggan dunta guduudan ah waa inaad ku xidhaa daaqaddii aad naga dejisay. Oo waa inaad guriga gudihiisa ku soo urursataa aabbahaa, iyo hooyadaa, iyo walaalahaa, iyo reerka aabbahaa oo dhan.

  • Yash 2:21-23
    3 aayado
    69%

    21Kolkaasay waxay ku tidhi, Sidaad tidhaahdeen ha ahaato. Kolkaasay iska dirtay, oo iyana way ka tageen; markaasay xadhiggii guduudnaa daaqaddii ku xidhay.

    22Kolkaasay tageen, oo waxay yimaadeen buurtii, oo halkaasay saddex maalmood joogeen, ilaa ay raacdadii ka soo noqotay; oo raacdadiina jidka oo dhan bay ka doondooneen, laakiinse ma ay helin.

    23Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan.

  • Yash 6:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.)

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.

  • 16¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wuxuu reer binu Israa'iil u soo dhoweeyey qabiil qabiil, oo markaasaa waxaa la soocay qabiilkii Yahuudah.

  • Xaak 1:24-25
    2 aayado
    67%

    24Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.

    25Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.

  • Yash 8:16-17
    2 aayado
    67%

    16Markaasaa dadkii magaalada joogay oo dhan waxaa loogu wada yeedhay inay eryadaan reer binu Israa'iil, oo intay Yashuuca eryanayeen ayaa iyagii laga fogeeyey magaaladii.

    17Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil.

  • 12Oo maxaabiistii iyo boolidii iyo wixii la soo dhacay waxay u keeneen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo joogay xeradii ku tiil bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa oo Yerixoo ka soo hor jeeday.

  • 18Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah.

  • 30oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

  • Yash 8:22-23
    2 aayado
    66%

    22Oo kuwii kalena waxay iyaga kaga soo bexeen magaaladii, sidaas daraaddeed waxay ku dhex jireen reer binu Israa'iil, iyadoo qaarna dhinacan ka xigo, qaarna dhinacaas ka xigo; oo way wada laayeen, oo midna kama reebin, qofna kama baxsan.

    23Oo boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca.

  • 11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.

  • 29iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan.

  • 23Kolkaasay sidii yeeleen, oo waxay isagii u keeneen shantii boqor oo ay ka soo bixiyeen godkii, kuwaas oo ahaa boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon.

  • 27Oo reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa.

  • 11Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.

  • 26Oo sidaas buu u yeelay, oo ka samatabbixiyey gacantii reer binu Israa'iil inaanay dilin.

  • 23Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay awowayaasheen.

  • 6Markaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii.

  • 6¶ Haddaba markii Yashuuca dadkii diray ayaa reer binu Israa'iil mid waluba u kacay dhaxalkiisii inuu hantiyo dalka.