Yashuuca 7:17
Markaasuu hadda wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii Yahuudah; oo wuxuu ka soocay reerkii Serax. Markaasuu xaaskii Serax u soo dhoweeyey nin nin, oo waxaa lala baxay Sabdii.
Markaasuu hadda wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii Yahuudah; oo wuxuu ka soocay reerkii Serax. Markaasuu xaaskii Serax u soo dhoweeyey nin nin, oo waxaa lala baxay Sabdii.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
18Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah.
14Haddaba aroorta waxaa laydiin soo dhowayn doonaa qabiil qabiil, oo qabiilkii Rabbigu soo sooco ha ii soo dhowaado iyagoo reer reer ah; oo haddana reerkii Rabbigu soo sooco, ha iigu soo dhowaadeen xaas xaas; oo haddana xaaskii Rabbigu soo sooco nin nin ha iigu soo dhowaadeen.
15Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.
16¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wuxuu reer binu Israa'iil u soo dhoweeyey qabiil qabiil, oo markaasaa waxaa la soocay qabiilkii Yahuudah.
1¶ Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa'iil.
23Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.
24Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor.
20Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax.
14Casaryaahna wuxuu dhalay Seraayaah, Seraayaahna wuxuu dhalay Yehoosaadaaq,
15Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.
37iyo Siisaa oo ahaa ina Shifcii ina Alloon oo ahaa reer Yedacyaah oo ka ahaa reer Shimrii oo ka sii ahaa reer Shemacyaah,
7Qabiilka reer Sebulunna, oo amiirka reer Sebulunna waa inuu ahaadaa Elii'aab ina Xeelon.
8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
1¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal.
2Oo Re'aayaah oo ahaa ina Shoobaalna wuxuu dhalay Yaaxad, Yaaxadna wuxuu dhalay Axuumay iyo Lahad. Kuwanu waa qolooyinkii reer Sorcaah.
7Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah,
21oo isna dhalay Saabaad, oo isna dhalay Shuutelax, iyo weliba Ceser, iyo Elcaad oo ay dileen dadkii reer Gad oo dalka ku dhashay, maxaa yeelay, iyagu waxay u soo degeen inay xoolahooda dhacaan.
2Dadka kala bax laba iyo toban nin, qabiil walba nin,
17reer Laawina waxaa u talinayay Hashabyaah ina Qemuu'eel, reer Haaruunna waxaa u talinayay Saadooq,
4Markaasaa Yashuuca u yeedhay laba iyo tobankii nin, oo uu ka diyaariyey reer binu Israa'iil, oo qabiil walbana nin buu ka soo soocay.
11Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.
10Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.
10Kuwii maxaabiista loo kaxaystay waxaad ka soo waddaa Xelday iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah, oo isla maalintaasba kaalay, oo waxaad gashaa guriga Yoosiyaah ina Sefanyaah oo ay joogaan kuwii Baabuloon ka yimid.
7oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
4Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.
15iyo Sebadyaah, iyo Caraad, iyo Ceeder,
2Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
14reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,
53Oo reer Qiryad Yecaariim qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Yeter, iyo reer Fuutii, iyo reer Shumaatii, iyo reer Mishraacii, oo kuwaas waxaa ka soo farcamay reer Sorcaah, iyo reer Eshtaa'ool.
30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
10¶ Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid.
1¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,
9reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,
13iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.
31iyo Naadaab, iyo Gedoor, iyo Axiyoo, iyo Seker.
19iyo Yaaqiim, iyo Sikrii, iyo Sabdii,
20Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.
7iyo Yooceelaah iyo Sebadyaah oo ahaa wiilashii Yeroxaam oo ahaa reer Gedoor.
4Cuutay oo ahaa ina Cammiihuud, ina Coomrii, ina Imrii, ina Baanii oo ahaa reer Feres oo ahaa wiilkii Yahuudah.
4Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda.
12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,
37iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.
22Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen.
1¶ Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.
23Oo boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca.
9Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.