Yashuuca 7:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 7:25 : 25 Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
  • Sab 119:37 : 37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
  • Ish 29:15 : 15 ¶ Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?
  • Luuk 12:15 : 15 Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay.
  • Yac 1:15 : 15 Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.
  • 2 But 2:15 : 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada.
  • 1 Yoox 2:15-16 : 15 Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. 16 Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.
  • Room 7:7-8 : 7 ¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin. 8 Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd.
  • Ef 5:3 : 3 Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
  • Ef 5:5 : 5 Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah.
  • Kol 3:5 : 5 ¶ Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,
  • 1 Tim 6:9-9 : 9 Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag. 10 Waayo, jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.
  • Cib 13:5 : 5 Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo.
  • Miik 2:1-2 : 1 ¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh. 2 Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.
  • Xab 2:9 : 9 ¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!
  • Mat 5:28-29 : 28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay. 29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa.
  • Luuk 12:2 : 2 Ma jiro wax daboolan oo aan soo muuqan doonin ama wax qarsoon oo aan la garan doonin.
  • Maah 4:23 : 23 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
  • Maah 23:31 : 31 Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.
  • Maah 28:22 : 22 Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.
  • Ish 28:15 : 15 Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,
  • 2 Sam 11:2 : 2 ¶ Oo makhribkii ayaa Daa'uud ka kacay sariirtiisii, oo wuxuu dul socday gurigii boqorka saqafkiisa, oo wuxuu saqafka ka arkay naag maydhanaysa, naagtuna aragga aad bay u qurux badnayd.
  • 2 Sam 11:6-9 : 6 Daa'uudna cid buu u diray Yoo'aab, oo ku yidhi, Ii soo dir Uuriyaah kii reer Xeed. Markaasaa Yoo'aab Uuriyaah u soo diray Daa'uud. 7 Oo markii Uuriyaah u yimid ayaa Daa'uud weyddiiyey Yoo'aab siduu ahaa, iyo sidii dadku u nabdoonaa, iyo dagaalkii sida loogu guulaystay. 8 Daa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka. 9 Laakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin. 10 Daa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday? 11 Markaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn. 12 Markaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay. 13 Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin. 14 Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah. 15 Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto. 16 Oo markuu Yoo'aab magaaladii arkay ayuu Uuriyaah ku hagaajiyey meeshii uu ku ogaa inay nimankii xoogga badnaa joogaan. 17 Oo raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay.
  • 1 Boq 21:1-2 : 1 ¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya. 2 Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah.
  • 2 Boq 5:20-27 : 20 ¶ Laakiinse Geexasii oo ahaa midiidinkii Eliishaa oo ahaa ninkii Ilaah wuxuu yidhi, Bal eega, sayidkaygu wuu u tudhay Nacamaan kii reer Suuriya, oo wixii uu u keenayna waxba kama uu qaadan. Waxaan Rabbiga noloshiisa ugu dhaartay inaan intaan isagii ka daba ordo wax ka soo qaato. 21 Sidaas daraaddeed Geexasii wuxuu daba galay Nacamaan. Oo Nacamaanna markuu arkay mid soo daba ordaya ayuu gaadhifaraskiisii ka soo degtay inuu ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, War ma nabad baa? 22 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waa nabad. Oo sayidkaygii baa i soo diray oo wuxuu kugu soo yidhi, Haddeerba waxaa ii yimid laba nin oo dhallinyar oo qoonkii nebiyada ah oo ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad iyaga siiso talanti lacag ah iyo laba iskujoog oo dhar ah. 23 Markaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen. 24 Oo markuu buurtii yimid ayuu gacmahoodii ka qaaday, oo guriguu dhigtay; nimankiina wuu iska diray oo way tageen. 25 Oo isagiina intuu gudaha galay ayuu sayidkiisii hor istaagay. Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Geexasiiyow, xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu meella ma tegin. 26 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah? 27 Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.
  • Ayuub 31:1 : 1 Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?
  • Bil 3:6 : 6 Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.
  • Bil 6:2 : 2 in wiilashii Ilaah arkeen gabdhihii dadku inay wanaagsan yihiin, oo ay guursadeen in alla intay doorteen oo dhan.
  • Bil 10:10 : 10 Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
  • Bax 20:17 : 17 ¶ Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 7:22-26
    5 aayado
    83%

    22Markaasaa Yashuuca cid u diray, oo teendhaday ku ordeen, oo bal eeg, alaabtii waxay ku qarsoonayd teendhadiisii, oo waxaa ka hoosaysay lacagtii.

    23Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.

    24Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor.

    25Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen.

    26Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.

  • Yash 7:18-20
    3 aayado
    82%

    18Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah.

    19Markaasaa Yashuuca wuxuu Caakaan ku yidhi, Wiilkaygiiyow, waan ku baryayaaye, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ammaan, oo isaga wax u qiro; oo anna hadda ii sheeg waxaad samaysay, oo ha iga qarinin.

    20Markaasaa Caakaan wuxuu Yashuuca ugu jawaabay, Sida runta ah waan ku dembaabay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo waxaan sameeyey sidaas iyo sidaas:

  • 1¶ Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa'iil.

  • 11Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.

  • 20Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.

  • 8Oo kuwii baraska qabayna markay yimaadeen xeradii dibaddeeda sare ayay teendho galeen, oo wax bay cuneen, waxna way cabbeen, markaasay halkaas ka qaateen lacag, iyo dahab, iyo dhar, oo intay tageen ayay soo qarsadeen; oo haddana way soo noqdeen oo waxay galeen teendho kale, oo halkaasna wax kalay ka qaateen, oo intay tageen ayay soo qarsadeen.

  • 15Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.

  • Xaak 8:25-27
    3 aayado
    70%

    25Oo waxay ugu jawaabeen, Annagoo raalli ka ah ayaannu ku siinaynaa. Kolkaasay maro gogleen, oo nin kastaaba wuxuu ku tuuray hilqadihii uu boolida u helay.

    26Oo hilqadihii dahabka ahaa oo uu weyddiistay miisaankoodii wuxuu noqday kun iyo toddoba boqol oo sheqel oo dahab ah, intaasoo aanay ku jirin bilihii, iyo murriyadihii, iyo dharkii guduudnaa oo ay boqorradii reer Midyaan xidhnaayeen, iyo silsiladihii sudhnaa qoorta awrtooda.

    27Markaasaa Gidcoon wuxuu dahabkii ka sameeyey eefod, oo wuxuu dhigay magaaladiisii taasoo ahayd Coofraah; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, markaasuu dabin ku noqday Gidcoon iyo reerkiisiiba.

  • 2Oo isna wuxuu hooyadiis ku yidhi, Kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ee lagaa qaaday, ee aad ku habaartamaysay ee aad igu dhego hadlaysay, lacagtii anigaa haya; oo anaa qaaday. Markaasay hooyadiis tidhi, Wiilkaygiiyow, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • Cesr 8:26-27
    2 aayado
    69%

    26Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah,

    27iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.

  • 25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 7Markaasaan Webi Yufraad tegey, oo intaan qoday ayaan guntigii ka soo bixiyey meeshii aan ku qariyey, oo bal eeg, guntigii wuu ba'ay, oo waxba ma taraynin.

  • 24Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.

  • 8oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.

  • 20iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 38iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 33Ma aan damcin ninna lacagtiis, ama dahabkiis, ama dharkiis.

  • 51Oo Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagay ka qaadeen dahabkii oo ahaa wax kasta oo laysku sharxo oo dahab laga sameeyey.

  • 24¶ Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

  • 53(Waayo, raggii dagaalyahannada ahaa nin waluba wuxuu qaatay wixii uu soo dhacay.)

  • 8Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab?

  • 74iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 80iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 50iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 62iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 9War lacagta dhaca, oo dahabka dhaca, waayo, kaydka iyo maalka wacan oo sharafta leh oo dhammu innaba dhammaad ma leh.

  • 14iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 56iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 32iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo.

  • 72Oo dadka intiisii kale wixii ay bixiyeen waxay ahaayeen labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun oo mina oo lacag ah, iyo toddoba iyo lixdan khamiis oo ah dhar wadaadood.

  • 18Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan?

  • 68iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 19Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga.