Yeremyaah 13:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaan Webi Yufraad tegey, oo intaan qoday ayaan guntigii ka soo bixiyey meeshii aan ku qariyey, oo bal eeg, guntigii wuu ba'ay, oo waxba ma taraynin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 64:6 : 6 Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.
  • Yer 13:10 : 10 Dadkan sharka ah, oo diida inay erayadayda maqlaan, oo iska daba gala caasinimada qalbigooda, oo raaca ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan oo caabudaan, waxay kulligood noqon doonaan sida guntigan aan waxba taraynin oo kale.
  • Yer 24:1-8 : 1 ¶ Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal. 2 Oo dambiilaha midkood waxaa ku jiray berde aad u wanaagsan, oo la moodo sidii midho berde oo hore u bislaaday, oo dambiisha kalena waxaa ku jiray midho berde oo aad u xun, oo xumaantooda aawadeedna aan innaba la cuni karin. 3 Markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Yeremyaahow, maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa midho berde. Midhaha berde oo wanaagsan aad bay u wanaagsan yihiin, kuwa xumuna aad bay u xun yihiin, oo xumaantooda aawadeed innaba lama cuni karo. 4 Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 5 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sida midhahaas berde oo wanaagsan ayaan wanaag aawadiis u aqoonsan doonaa maxaabiista dadka Yahuudah oo aan meeshan ka diray, oo aan dalka reer Kaldayiin u geeyey. 6 Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono. 7 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan. 8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba.
  • Yex 15:3-5 : 3 Ma qoryaa laga goostaa in shuqul lagu samaysto? Miyaase dadku qodob ka goostaa si ay weel u sudhaan? 4 Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa? 5 Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?
  • Sak 3:3-4 : 3 Haddaba Yashuuca dhar wasakhaysan buu qabay, oo wuxuu istaagay malagga hortiisii. 4 Isagu wuu jawaabay oo la hadlay kuwii isaga hor taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Dharka wasakhaysan isaga ka fura. Kolkaasuu isagiina ku yidhi, Bal eeg, xumaantaadii waan kaa qaaday oo waxaan kuu xidhi doonaa dhar aad u wanaagsan.
  • Luuk 14:34-35 : 34 Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? 35 Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.
  • Room 3:12 : 12 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba;
  • Flm 1:11 : 11 kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 13:1-6
    6 aayado
    91%

    1¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad soo iibsataa gunti maro wanaagsan ah oo dhexda ku xidho, oo marnaba biyo ha dhex gelin.

    2Sidaas daraaddeed gunti baan soo iibsaday sidii erayga Rabbigu ahaa, oo dhexdaan ku xidhay.

    3Oo haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,

    4Waxaad qaadataa guntigii aad soo iibsatay oo haatan dhexda kuugu xidhan, oo kac, oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo halkaas ku qari dhagaxa weyn godkiisa.

    5Sidaas daraaddeed waan tegey oo waxaan guntigii ku soo qariyey Webi Yufraad agtiisa, sidii Rabbigu igu amray.

    6Oo maalmo badan dabadeed ayaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo waxaad halkaas ka soo bixisaa guntigii aan kugu amray inaad halkaas ku qariso.

  • Yer 13:8-11
    4 aayado
    85%

    8Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

    9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

    10Dadkan sharka ah, oo diida inay erayadayda maqlaan, oo iska daba gala caasinimada qalbigooda, oo raaca ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan oo caabudaan, waxay kulligood noqon doonaan sida guntigan aan waxba taraynin oo kale.

    11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.

  • Yex 12:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.

    8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • Yer 38:11-12
    2 aayado
    70%

    11Sidaas daraaddeed ayaa Cebedmeleg raggii kaxaystay, oo gurigii boqorka galay, oo wuxuu tegey meel khasnadda ka hoosaysay, oo halkaasuu ka qaaday calallo haylamo ah iyo dhar duugoobay, oo intuu xadhko ku xidhay ayuu Yeremyaah godkii ugu dejiyey.

    12Markaas Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Calalladan haylamaha ah iyo dharkan duugoobay kilkilooyinka kaga xidho xadhkaha hoostooda, oo Yeremyaahna saasuu yeelay.

  • 10Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.

  • 21markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa.

  • Daan 10:4-5
    2 aayado
    68%

    4Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo labaatanaad, anoo taagan webiga weyn oo Xiddeqel ah agtiisa,

    5ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay;

  • 13Markaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa.

  • Sak 11:13-14
    2 aayado
    68%

    13Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dheryasameeyaha u tuur qiimihii wanaagsanaa oo ay igu qiimeeyeen. Oo anna waxaan soo qaaday soddonkii gogo' oo lacagta ahaa, kolkaasaan guriga Rabbiga ugu tuuray dheryasameeyaha.

    14Oo haddana waxaan kala jebiyey ushaydii kale oo aan Xidhiidh u bixiyey, inaan kala gooyo walaalnimadii dadka dalka Yahuudah iyo dadka dalka Israa'iil ka dhexaysay.

  • 2Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed guntiga dhexda ku giiji oo sara joogso, oo waxaad iyaga u sheegtaa wixii aan kugu amro oo dhan, oo yaanan hortooda kugu nixine innaba wejigooda ha ka nixin.

  • 15Oo iyana waxay daba socdeen ilaa Webi Urdun; oo bal eeg jidka oo dhan waxaa ka buuxay dhar iyo weelal ay reer Suuriya iska xooreen intay degdegayeen. Oo wargeeyayaashiina intay soo noqdeen ayay saas boqorkii u soo sheegeen.

  • 7Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.

  • 17Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah?

  • 5Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.

  • Nex 2:13-15
    3 aayado
    67%

    13Oo habeennimo ayaan ka baxay Iriddii Dooxada, oo ku tiil xagga Ceelkii Maska, oo waxaan maray xagga Iriddii Digada, waanan fiiriyey derbiyadii Yeruusaalem oo wada dunsanaa, iyo irdaheedii dabka lagu gubay.

    14Oo haddana waxaan tegey Iriddii Isha biyaha iyo xaggii Balligii Boqorka; laakiinse neefkii aan fuushanaa meeluu maro ma jirin.

    15Oo haddana waxaan habeennimo tegey xaggii durdurka, oo derbigii baan fiiriyey, kolkaasaan dib u noqday, oo magaaladii ka soo galay xaggii Iriddii Dooxada, oo saasaan u soo noqday.

  • 22¶ Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 13Haddaba bal eeg, anigu gacmahaygaan isugu dhuftaa faa'iidadaadii aad daacadla'aanta ku heshay, iyo dhiiggii lagugu dhex daadiyey.

  • 5Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 8Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 10Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

  • 63Oo markaad kitaabkan akhrintiisa dhammaysid waa inaad isaga dhagax ku xidhaa oo aad Webi Yufraad dhexdiisa ku tuurtaa.

  • 13Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.

  • 15Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.

  • 29iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 10Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.

  • 4Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag.

  • 1¶ Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan,

  • 7Oo haddana wuxuu i geeyey albaabkii barxadda, oo markaan wax fiiriyey waxaan arkay god derbiga ku dhex yaal.

  • 12¶ Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh,

  • 31Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.

  • 15oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay.

  • 5Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?