Xaakinnadii 1:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 33:11 : 11 Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.
  • 1 Sam 25:18 : 18 Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro.
  • 1 Sam 25:27 : 27 Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.
  • 2 Kor 9:5 : 5 Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.
  • Cib 6:7 : 7 Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako,
  • 1 But 3:9 : 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 97%

    15Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer.

    16Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

    17Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.

    18Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa?

    19Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.

    20¶ Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.

  • Xaak 1:12-14
    3 aayado
    83%

    12Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

    13Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.

    14Oo markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?

  • 73%

    12Haddaba sidaas daraaddeed i sii buurtan Rabbigu maalintaas ka hadlay, waayo, waad maqashay maalintaas in reer Canaaq halkaas joogay, oo ay magaalooyinkoodu waaweynaayeen, deyrarna lahaayeen. Mindhaa Rabbigaa ila jiri doona, waanan eryi doonaa sidii Rabbigu ku hadlay.

    13Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.

    14Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Bil 24:16-20
    5 aayado
    71%

    16Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday.

    17Markaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye.

    18Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay.

    19Oo markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan.

    20Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan.

  • 25Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.

  • 12Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxay siiyeen Kaaleeb ina Yefunneh inuu hanti ahaan u qaato.

  • 16¶ Markaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.

  • 15Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.

  • 56Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.

  • Bil 24:13-14
    2 aayado
    69%

    13Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.

    14Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.

  • Bil 24:43-46
    4 aayado
    69%

    43bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,

    44oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan u dhaamin doonaa, taasu ha noqoto tii Rabbigu u doortay wiilka sayidkayga.

    45Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.

    46Iyana intay dhaqsatay oo ay ashuunkeedii garabkeeda ka soo dejisay ayay tidhi, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa: sidaas daraaddeed waan cabbay, awrtiina way waraabisay.

  • 19Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.

  • 19Markaasaa Ilaah indhaheedii furay, oo waxay aragtay ceel biyo ah; kolkaasay tagtay, oo sibraarkii biyo ka soo buuxisay, oo wiilkii waraabisay.

  • 13¶ Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).

  • 7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

  • 19Markaasaa addoommadii Isxaaq dooxadii qodeen, oo waxay ka heleen ceel durdur ah.

  • 36Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.

  • 20Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.

  • Yoox 4:11-12
    2 aayado
    67%

    11Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?

    12Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba?

  • 49Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah.

  • 6¶ Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay.

  • 15Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.

  • 19Markaasaa Ilaah wuxuu kala dillaaciyey meeshii qodnayd oo Lexii ku tiil, oo waxaa ka soo baxay biyo, oo markuu cabbay ayaa naftiisii soo noqotay, wuuna noolaaday. Taas aawadeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Ceyn Haqooree, oo xataa maanta waxay ku taal Lexii.

  • 28Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan.

  • Tir 21:16-17
    2 aayado
    66%

    16Oo halkaasna waxay uga guureen xagga Bi'ir, kaasoo ah ceelkii Rabbigu Muuse kaga yidhi, Dadka oo dhan soo ururi, oo anna biyo waan siinayaa.

    17Markaasay reer binu Israa'iil gabaygan ku gabyeen, Ceel yahow, soo durdur. War idinku u gabya

  • 18Isna wuxuu yidhi, Maxaan rahaamad kuu siiyaa? Kolkaasay tidhi, I sii kaatunkaaga iyo xadhiggaaga, iyo ushaada aad gacanta ku haysatid. Kolkaasuu siiyey, oo uu u tegey iyadii, oo iyana xaggiisay ka uuraysatay.

  • 27Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.

  • 7¶ Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.

  • 37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.