Yashuuca 14:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 14:24 : 24 Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan.
  • Tir 14:30 : 30 hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.
  • Tir 13:6 : 6 Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.
  • Tir 13:26 : 26 ¶ Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.
  • Tir 14:6 : 6 Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay,
  • Tir 32:12 : 12 Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane; maxaa yeelay, iyagu qalbigay Rabbiga ka wada raaceen.
  • Yash 14:14 : 14 Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Yash 15:17 : 17 Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
  • Xaak 13:6-8 : 6 Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa; 7 laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay. 8 Markaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona.
  • 1 Boq 13:1 : 1 ¶ Markaasaa waxaa Yahuudah ka yimid nin Ilaah oo Eraygii Rabbiga ku yimid Beytel; oo Yaaraabcaamna wuxuu ag taagnaa meeshii allabariga inuu foox shido aawadeed.
  • 1 Boq 13:14 : 14 Oo ninkii Ilaah wuu daba galay, oo helay isagoo geed hoos fadhiya; kolkaasuu ku yidhi, War ma waxaad tahay ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ahay.
  • 2 Boq 4:9 : 9 Markaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.
  • 2 Boq 4:16 : 16 Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.
  • 2 Boq 4:42 : 42 ¶ Oo nin baa xagga Bacal Shalishaah ka yimid, oo wuxuu ninkii Ilaah kolaygiisii ugu keenay cunto midhihii hore ah, taas oo ah labaatan kibsood oo shaciir ah iyo sabuullo arabikhi oo qoyan. Oo wuxuu ku yidhi, War kuwan dadku ha cuneene sii.
  • 2 Boq 8:7 : 7 ¶ Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya isagoo buka ayaa Eliishaa Dimishaq yimid, oo waa loo sheegay oo waxaa lagu yidhi, War ninkii Ilaah waa yimid.
  • 2 Boq 8:11 : 11 Oo isna wuu ku dhaygagay ilaa uu isku yaxyaxay; markaasaa ninkii Ilaah ooyay.
  • Sab 90:1 : 1 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
  • 1 Tim 6:11 : 11 ¶ Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.
  • 2 Tim 3:17 : 17 in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.
  • Sharc 1:36-38 : 36 Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay. 37 Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid. 38 Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.
  • Sharc 33:1 : 1 ¶ Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.
  • Sharc 34:5 : 5 Sidaas daraaddeed Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo'aab ayuu ku dhintay, sida erayga Rabbigu ahaa.
  • Sharc 34:10 : 10 Oo tan iyo waagaasna reer binu Israa'iil kama dhex kicin nebi Muuse la mid ah oo Rabbigu fool ka fool u yaqaan.
  • Yash 4:19 : 19 Oo dadku waxay Webi Urdun ka soo bexeen maalintii tobnaad oo bishii kowaad, oo waxay degeen Gilgaal oo xagga bari ka xigta Yerixoo.
  • Yash 10:43 : 43 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.
  • Tir 12:7-8 : 7 Addoonkayga Muuse sidaas ma aha, oo isagu aamin buu ku yahay gurigayga oo dhan. 8 Isaga bayaan baan afkayga ugula hadlayaa, oo hadal gudcur ah kula hadli maayo, oo wuxuu arki doonaa Rabbiga qaabkiisa. Haddaba maxaad uga cabsan weydeen inaad addoonkayga Muuse wax ka sheegtaan?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 14:7-9
    3 aayado
    81%

    7Afartan sannadood baan jiray markii addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa iga diray Qaadeesh Barneeca inaan dalka soo basaaso; oo sidii qalbigayga ku jirtay ayaan ugu soo war celiyey.

    8Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah.

    9Oo maalintaas ayuu Muuse dhaartay, oo yidhi, Hubaal dhulkii cagtaadu ku joogsatay wuxuu dhaxal u ahaan doonaa adiga iyo carruurtaada weligiin, maxaa yeelay, daacad baad u raacday Rabbiga Ilaahayga ah.

  • 79%

    36Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.

    37Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.

    38Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.

  • 78%

    12Haddaba sidaas daraaddeed i sii buurtan Rabbigu maalintaas ka hadlay, waayo, waad maqashay maalintaas in reer Canaaq halkaas joogay, oo ay magaalooyinkoodu waaweynaayeen, deyrarna lahaayeen. Mindhaa Rabbigaa ila jiri doona, waanan eryi doonaa sidii Rabbigu ku hadlay.

    13Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.

    14Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Tir 14:30-31
    2 aayado
    77%

    30hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

    31Laakiinse yaryarkiinna aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyagaan keeni doonaa, oo iyagu way baran doonaan dalkii aad diiddeen.

  • 6Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.

  • 65Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

  • 12Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane; maxaa yeelay, iyagu qalbigay Rabbiga ka wada raaceen.

  • 38Laakiinse Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh ayaa nolol kaga hadhay nimankii tegey inay dalka soo basaasaan.

  • 5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

  • Tir 14:24-25
    2 aayado
    74%

    24Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan.

    25Haddaba dooxada waxaa deggan reer Camaaleq iyo reer Kancaan. Idinku berrito dib u noqda, oo waxaad tagtaan cidladii ku taal jidka loo maro Badda Cas.

  • 74%

    13¶ Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).

    14Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.

  • 30Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.

  • 19Oo nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh.

  • Tir 14:6-7
    2 aayado
    74%

    6Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay,

    7oo waxay la hadleen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo ku yidhaahdeen, War dalkii aannu dhex marnay oo aan soo basaasnay waa dal aad iyo aad u wanaagsan.

  • 56Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.

  • 23¶ Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 7Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.

  • 22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • Yash 1:12-13
    2 aayado
    72%

    12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

    13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.

  • 20Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.

  • 1¶ Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,

  • 6Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta.

  • 6Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 14¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, wakhtigii aad dhiman lahayd waa soo dhow yahay, haddaba Yashuuca u yeedh oo isdhex taaga teendhada shirka, aan isaga amar siiyee. Markaasaa Muuse iyo Yashuuca tageen oo teendhadii shirka isdhex taageen.

  • 21¶ Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

  • 8Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed.

  • 10Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus.

  • 15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 28Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.

  • 1¶ Markii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona?

  • 23Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan.