Tirintii 14:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 14:6-9 : 6 Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay, 7 oo waxay la hadleen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo ku yidhaahdeen, War dalkii aannu dhex marnay oo aan soo basaasnay waa dal aad iyo aad u wanaagsan. 8 Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. 9 Laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo ha ka cabsanina dadka dalka deggan, waayo, waxay inoo yihiin sida kibis oo kale. Daafacoodii korkooda waa laga qaaday, oo Rabbigu innaguu inala jiraaye; iyaga ha ka cabsanina.
  • Sharc 1:36 : 36 Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.
  • Tir 26:65 : 65 Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.
  • Yash 14:6-9 : 6 ¶ Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay. 7 Afartan sannadood baan jiray markii addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa iga diray Qaadeesh Barneeca inaan dalka soo basaaso; oo sidii qalbigayga ku jirtay ayaan ugu soo war celiyey. 8 Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah. 9 Oo maalintaas ayuu Muuse dhaartay, oo yidhi, Hubaal dhulkii cagtaadu ku joogsatay wuxuu dhaxal u ahaan doonaa adiga iyo carruurtaada weligiin, maxaa yeelay, daacad baad u raacday Rabbiga Ilaahayga ah. 10 Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood. 11 Oo weliba maanta iyo maalintii Muuse i diray isku xoog baan ahay; oo intii itaalkaygu waagaas ahaa ayuu haatanna yahay inaan dagaal galo, iyo inaan baxo, soona galo. 12 Haddaba sidaas daraaddeed i sii buurtan Rabbigu maalintaas ka hadlay, waayo, waad maqashay maalintaas in reer Canaaq halkaas joogay, oo ay magaalooyinkoodu waaweynaayeen, deyrarna lahaayeen. Mindhaa Rabbigaa ila jiri doona, waanan eryi doonaa sidii Rabbigu ku hadlay. 13 Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon. 14 Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • 1 Taar 29:9 : 9 Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.
  • 1 Taar 29:18 : 18 Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi.
  • 2 Taar 25:2 : 2 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse qalbi daacad ah kuma uu samayn.
  • Sab 119:80 : 80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.
  • Sab 119:145 : 145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
  • Maah 23:26 : 26 Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
  • Fal 11:23 : 23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,
  • Ef 6:6 : 6 Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.
  • Kol 3:23 : 23 Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn,
  • Tir 32:11-12 : 11 Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin, 12 Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane; maxaa yeelay, iyagu qalbigay Rabbiga ka wada raaceen.
  • Sharc 6:5 : 5 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.
  • Tir 13:30 : 30 Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    35Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,

    36Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.

    37Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.

    38Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.

    39Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.

  • Tir 32:11-12
    2 aayado
    80%

    11Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,

    12Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane; maxaa yeelay, iyagu qalbigay Rabbiga ka wada raaceen.

  • 78%

    12Haddaba sidaas daraaddeed i sii buurtan Rabbigu maalintaas ka hadlay, waayo, waad maqashay maalintaas in reer Canaaq halkaas joogay, oo ay magaalooyinkoodu waaweynaayeen, deyrarna lahaayeen. Mindhaa Rabbigaa ila jiri doona, waanan eryi doonaa sidii Rabbigu ku hadlay.

    13Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.

    14Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Tir 14:30-31
    2 aayado
    75%

    30hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

    31Laakiinse yaryarkiinna aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyagaan keeni doonaa, oo iyagu way baran doonaan dalkii aad diiddeen.

  • 30Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.

  • Yash 14:6-9
    4 aayado
    74%

    6¶ Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay.

    7Afartan sannadood baan jiray markii addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa iga diray Qaadeesh Barneeca inaan dalka soo basaaso; oo sidii qalbigayga ku jirtay ayaan ugu soo war celiyey.

    8Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah.

    9Oo maalintaas ayuu Muuse dhaartay, oo yidhi, Hubaal dhulkii cagtaadu ku joogsatay wuxuu dhaxal u ahaan doonaa adiga iyo carruurtaada weligiin, maxaa yeelay, daacad baad u raacday Rabbiga Ilaahayga ah.

  • 25Haddaba dooxada waxaa deggan reer Camaaleq iyo reer Kancaan. Idinku berrito dib u noqda, oo waxaad tagtaan cidladii ku taal jidka loo maro Badda Cas.

  • 65Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

  • Tir 14:22-23
    2 aayado
    73%

    22Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan,

    23hubaal ma ay arki doonaan dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, oo intoodii i quudhsatayna midna ma arki doono.

  • 6Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.

  • 38Laakiinse Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh ayaa nolol kaga hadhay nimankii tegey inay dalka soo basaasaan.

  • 12Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxay siiyeen Kaaleeb ina Yefunneh inuu hanti ahaan u qaato.

  • Tir 14:6-8
    3 aayado
    70%

    6Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay,

    7oo waxay la hadleen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo ku yidhaahdeen, War dalkii aannu dhex marnay oo aan soo basaasnay waa dal aad iyo aad u wanaagsan.

    8Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan.

  • 19Oo nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh.

  • 70%

    13¶ Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).

    14Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.

  • 20Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.

  • 24Markaasay carruurtii dalkii galeen oo hantiyeen, oo waxaad ka hoosaysiisay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Kancaan, waanad gelisay gacmahoodii, iyagii iyo boqorradoodii iyo dadyowgii dalka degganaaba, inay iyaga ku sameeyaan wax alla waxay doonayaan.

  • 23¶ Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 56Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.

  • 6Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.

  • 8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

  • 16Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

  • 30Laakiinse haddayan idinla gudbin iyagoo hub leh, waxay hanti ku yeelan doonaan dhexdiinna dalka reer Kancaan.

  • 7Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.

  • 12Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

  • 22laakiinse anigu waa inaan dalkan ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan, waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan.

  • 28Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.

  • 23Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.

  • 21Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina.

  • 8Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed.