Tirintii 14:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

hubaal ma ay arki doonaan dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, oo intoodii i quudhsatayna midna ma arki doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 32:11 : 11 Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,
  • Yex 20:15 : 15 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,
  • Tir 26:64 : 64 Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay.
  • Cib 3:17-18 : 17 Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen? 18 Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane?
  • Cib 4:3 : 3 Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida.
  • Sharc 1:35-45 : 35 Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, 36 Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay. 37 Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid. 38 Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa. 39 Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan. 40 Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro. 41 Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan. 42 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda. 43 Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen. 44 Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah. 45 Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.
  • Nex 9:23 : 23 Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan.
  • Sab 95:11 : 11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay Inaanay nasashadayda gelin.
  • Sab 106:26 : 26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 32:8-11
    4 aayado
    86%

    8Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed.

    9Waayo, markay tageen dooxadii Eshkol oo ay dalkii arkeen ayay reer binu Israa'iil qalbi jebiyeen si ayan u gelin dalkii Rabbigu iyaga siiyey.

    10Maalintaas Rabbigu aad buu u cadhooday, oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

    11Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,

  • 85%

    34Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

    35Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,

    36Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.

    37Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.

  • Tir 14:29-37
    9 aayado
    83%

    29Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay,

    30hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

    31Laakiinse yaryarkiinna aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyagaan keeni doonaa, oo iyagu way baran doonaan dalkii aad diiddeen.

    32Laakiinse idinka meydadkiinnu way ku dhici doonaan cidladan.

    33Oo carruurtiinnuna afartan sannadood ayay cidlada ku warwareegi doonaan, oo ilaa meydadkiinnu ay cidlada ku baabba'aan iyagu waxay sidi doonaan daacadnimola'aantiinna.

    34Oo maalmihii aad dalka ku soo basaasteen oo afartan maalmood ahaa, maalintiiba sannad ayaad dembiyadiinna u qaadanaysaan, oo idinku xumaantiinna waad qaadanaysaan xataa afartan sannadood, oo waxaad ogaan doontaan diidniintayda.

    35Anigoo Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay, oo hubaal waxan oo dhan ayaan ku samaynayaa shirkan sharka ah ee iiga wada ururay oo dhan. Cidladan ayay ku baabbi'i doonaan oo ku wada dhiman doonaan.

    36Oo nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan oo soo noqday oo shirka oo dhan ka dhigay inay isaga u gunuusaan markay dalkii war xun ka keeneen,

    37nimankaas oo war xun dalkii ka keenay ayaa belaayadii ku dhintay Rabbiga hortiisa.

  • 22Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan,

  • 77%

    51maxaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan dhigin.

    52Haddaba dalka hortaadaad ka arki doontaa, laakiinse geli maysid dalka aan reer binu Israa'iil siinayo.

  • Cib 3:9-11
    3 aayado
    76%

    9Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.

    10Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii.

    11Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

  • 15Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,

  • 16Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay.

  • 24Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,

  • 6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 11Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay Inaanay nasashadayda gelin.

  • 65Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

  • 21Oo weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siinayo,

  • Cib 3:17-18
    2 aayado
    74%

    17Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen?

    18Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane?

  • 11¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?

  • 23Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.

  • 12Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Idinku ima aydaan rumaysan, oo quduusna igama aydaan dhigin reer binu Israa'iil hortooda, haddaba sidaas daraaddeed idinku shirkan geeyn maysaan dalkii aan iyaga siiyey.

  • 24Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan.

  • 28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

  • 4Oo Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waa kaas dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub oo aan midkood kasta ku idhi, Dalkaas waxaan siinayaa farcankaaga. Haddaba waxaan ka dhigay inaad indhahaaga ku aragto, laakiinse xaggaas u gudbi maysid.

  • 72%

    20Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.

    21Oo markii masiibo iyo dhibaatooyin badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor.

  • 14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

  • 26¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,

  • 26Laakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday, imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo mar dambe xaalkaas ha igala hadlin.

  • 3U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.

  • 9Oo maalintaas ayuu Muuse dhaartay, oo yidhi, Hubaal dhulkii cagtaadu ku joogsatay wuxuu dhaxal u ahaan doonaa adiga iyo carruurtaada weligiin, maxaa yeelay, daacad baad u raacday Rabbiga Ilaahayga ah.

  • 24Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen.

  • 16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

  • 6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?