Tirintii 14:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh ayaa nolol kaga hadhay nimankii tegey inay dalka soo basaasaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 26:65 : 65 Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.
  • Yash 14:6-9 : 6 ¶ Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay. 7 Afartan sannadood baan jiray markii addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa iga diray Qaadeesh Barneeca inaan dalka soo basaaso; oo sidii qalbigayga ku jirtay ayaan ugu soo war celiyey. 8 Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah. 9 Oo maalintaas ayuu Muuse dhaartay, oo yidhi, Hubaal dhulkii cagtaadu ku joogsatay wuxuu dhaxal u ahaan doonaa adiga iyo carruurtaada weligiin, maxaa yeelay, daacad baad u raacday Rabbiga Ilaahayga ah. 10 Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 14:36-37
    2 aayado
    83%

    36Oo nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan oo soo noqday oo shirka oo dhan ka dhigay inay isaga u gunuusaan markay dalkii war xun ka keeneen,

    37nimankaas oo war xun dalkii ka keenay ayaa belaayadii ku dhintay Rabbiga hortiisa.

  • 65Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

  • Tir 32:11-12
    2 aayado
    79%

    11Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,

    12Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane; maxaa yeelay, iyagu qalbigay Rabbiga ka wada raaceen.

  • 76%

    35Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,

    36Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.

  • Tir 14:29-31
    3 aayado
    75%

    29Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay,

    30hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

    31Laakiinse yaryarkiinna aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyagaan keeni doonaa, oo iyagu way baran doonaan dalkii aad diiddeen.

  • Tir 14:6-7
    2 aayado
    75%

    6Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay,

    7oo waxay la hadleen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo ku yidhaahdeen, War dalkii aannu dhex marnay oo aan soo basaasnay waa dal aad iyo aad u wanaagsan.

  • Yash 14:5-8
    4 aayado
    75%

    5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

    6¶ Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay.

    7Afartan sannadood baan jiray markii addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa iga diray Qaadeesh Barneeca inaan dalka soo basaaso; oo sidii qalbigayga ku jirtay ayaan ugu soo war celiyey.

    8Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah.

  • 39Markaasaa Muuse hadalkaas reer binu Israa'iil oo dhan u sheegay, kolkaasaa dadkii aad u baroorteen.

  • 72%

    10Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood.

    11Oo weliba maanta iyo maalintii Muuse i diray isku xoog baan ahay; oo intii itaalkaygu waagaas ahaa ayuu haatanna yahay inaan dagaal galo, iyo inaan baxo, soona galo.

  • 19Oo nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh.

  • 1¶ Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.

  • Xaak 2:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo dadkuna Rabbigay u adeegeen wakhtigii Yashuuca noolaa oo dhan, iyo wakhtigii odayaashii Yashuuca ka nolol dambeeyey oo dhan, kuwaasoo wada arkay kulli shuqulkii weynaa oo Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.

    8Yashuuca oo ahaa ina Nuun oo addoonkii Rabbiga ahaa wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira.

  • 24Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan.

  • 23Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan.

  • 14Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.

  • 70%

    13Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.

    14Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 38Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.

  • 16Intaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca.

  • 6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 6Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.

  • 29Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.

  • 17Nimanka dalka dhaxal idiinku qaybin doonaa magacyadoodii waa kuwan: wadaadka Elecaasaar ah iyo Yashuuca ina Nuun.

  • 1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.

  • 4Laakiinse intiinnii ku hadhay Rabbiga Ilaahiinna ah midkiin kastaaba maanta waa nool yahay.

  • 25Oo markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen.

  • 2Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.

  • 14Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.

  • 30Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.

  • 21sidaas daraaddeed hadda ka dib ka eryi maayo hortooda mid ka mid ah quruumihii Yashuuca ka tegey markuu dhintay;

  • 32Oo iyagu dalkii ay soo basaaseen ayay reer binu Israa'iil war xun uga keeneen, oo waxay yidhaahdeen, Dalka aannu dhex marnay oo soo basaasnay waa dal cuna dadka deggan, oo dadkii aannu ku aragnay oo dhammuna waa dad aad u dhaadheer.

  • 11Habase yeeshee Qorax wiilashiisii ma ay dhiman.

  • 31Reer binu Israa'iilna Rabbigay u adeegi jireen waagii Yashuuca oo dhan, iyo waagii odayaashii ka nolol dambeeyey Yashuuca oo dhan, kuwaas oo ogaa kulli shuqulkii Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.