5Markaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun.
6Kolkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday.
7Markaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay.
8Markaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah.