Xaakinnadii 12:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu Ibsaan dhintay, oo waxaa lagu aasay Beytlaxam.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 12:7-9
    3 aayado
    86%

    7¶ Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.

    8¶ Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Ibsaan oo ahaa reer Beytlaxam.

    9Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood.

  • 78%

    11¶ Dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Eeloon oo ahaa reer Sebulun; oo isna wuxuu reer Israa'iil xukumayay toban sannadood.

    12Oo Eeloon oo reer Sebulun ahaana wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Ayaaloon oo ku taal dalka reer Sebulun.

  • 32Oo Gidcoon ina Yoo'aash ayaa dhintay isagoo da' weyn, oo waxaa lagu aasay xabaashii aabbihiis Yoo'aash, oo ku tiil Coofraah tii reer Abiiceser.

  • 31Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

  • 15Oo Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Fircaatoon oo ku taal dalka reer Efrayim, kaasoo ahaa dalka buuraha leh oo reer Camaaleq.

  • 19Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam.

  • 7Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam.

  • 2Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.

  • 8Markaasaa Debooraah oo Rebeqah midiidinteedii ahayd dhimatay, waxaana lagu aasay Beytel geedka hoostiisa; meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Alloon Bakuud.

  • 37Oo sidaasuu boqorkii u dhintay, oo waxaa la keenay Samaariya, oo waxaana boqorkii lagu aasay Samaariya.

  • 31Oo markuu aasay dabadeed ayuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, Markaan dhinto igu xabaala xabaashii ninkii Ilaah lagu xabaalay, oo lafahayga lafihiisa ag dhiga.

  • 16Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaah.

  • 10Oo Daa'uudna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud.

  • 5Markaasaa Yaa'iir dhintay, oo waxaa lagu aasay Qaamoon.

  • 33Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.

  • 44Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.

  • 9Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre;

  • 16iyo boqorkii Maqeedaah, iyo boqorkii Beytel,

  • 29Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.

  • 32Markaasay Casaaheel qaadeen oo ku aaseen qabrigii aabbihiis, oo ku yiil Beytlaxam. Oo Yoo'aab iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay guureeyeen oo waxaa waagu ugu beryay Xebroon.

  • 9Bendeqer oo wakiil ka ahaa Maqas, iyo Shacalbiim, iyo Beytshemesh iyo Eeloon Beytxaanaan;

  • 9Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Xeres, oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.

  • 33Oo Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.

  • 12waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo waxay soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay keeneen Yaabeesh, oo lafahoodii waxay ku aaseen geedkii Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

  • 30Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.

  • 12Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,

  • 55Dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inuu Abiimeleg dhintay ayaa nin waluba meeshiisii tegey.

  • 16Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, iyo meel qabuurihii boqorrada dhexdooda ah, maxaa yeelay, wax wanaagsan buu ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, iyo xagga Ilaah iyo xagga gurigiisba.

  • 22iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,

  • 50¶ Oo haddana Abiimeleg wuxuu tegey Teebees, oo wuxuu degay meel ka soo hor jeedda, markaasuu qabsaday.

  • 31Oo reer Benyaamiinna waxay degeen inta laga bilaabo Gebac, iyo Mikmaash, iyo Cayaa, iyo Beytel iyo magaalooyinkeeda,

  • 10Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.

  • 21reer Beytlaxamna boqol iyo saddex iyo labaatan,

  • 8Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa.

  • 12¶ Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay.

  • 6iyo Yibxaar, iyo Eliishaamaac, iyo Eliifeled,

  • 62%

    12iyo boqorkii Cegloon, iyo boqorkii Geser,

    13iyo boqorkii Debiir, iyo boqorkii Geder,

  • 7iyo Beytsuur, iyo Sookoo, iyo Cadullaam,