Xaakinnadii 12:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 10:4 : 4 Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.
  • Xaak 12:14 : 14 Oo isna wuxuu lahaa afartan wiil iyo soddon uu awowe u ahaa, oo fuuli jiray toddobaatan qayl dameer. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay siddeed sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    13¶ Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon.

    14Oo isna wuxuu lahaa afartan wiil iyo soddon uu awowe u ahaa, oo fuuli jiray toddobaatan qayl dameer. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay siddeed sannadood.

  • Xaak 12:7-8
    2 aayado
    78%

    7¶ Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.

    8¶ Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Ibsaan oo ahaa reer Beytlaxam.

  • Xaak 10:2-4
    3 aayado
    73%

    2Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.

    3¶ Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.

    4Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.

  • 30Oo Gidcoon wuxuu lahaa toddobaatan wiil oo uu isagu dhalay, waayo, wuxuu qabay naago badan.

  • 31Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

  • 71%

    10Markaasuu Ibsaan dhintay, oo waxaa lagu aasay Beytlaxam.

    11¶ Dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Eeloon oo ahaa reer Sebulun; oo isna wuxuu reer Israa'iil xukumayay toban sannadood.

  • 13Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood.

  • 2Oo waxaa isaga u dhashay toddoba wiil iyo saddex gabdhood.

  • 20Oo isna wakhtigii reer Falastiin wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

  • 32Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.

  • 10Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.

  • 1 Sam 8:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Oo markii Samuu'eel gaboobay ayuu wiilashiisii xaakinno uga dhigay reer binu Israa'iil.

    2Oo wiilkiisa curadka ahaa magiciisu wuxuu ahaa Yoo'eel, wiilkiisii labaadna magiciisu wuxuu ahaa Abiiyaah; oo waxay xaakinno ka ahaayeen Bi'ir Shebac.

  • 4Lix waxay ugu dhasheen Xebroon, oo Xebroon wuxuu boqor ka ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa saddex iyo soddon sannadood.

  • 67%

    16Oo sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.

    17Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.

  • 21Laakiinse Abiiyaah wuu sii xoogaystay, oo wuxuu guursaday afar iyo toban naagood, oo wuxuuna dhalay laba iyo labaatan wiil iyo lix iyo toban gabdhood.

  • 6¶ Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.

  • 8Markaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun.

  • 4Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.

  • 9Bendeqer oo wakiil ka ahaa Maqas, iyo Shacalbiim, iyo Beytshemesh iyo Eeloon Beytxaanaan;

  • 36iyo curadkiisii Cabdoon ahaa, iyo Suur, iyo Qiish, iyo Bacal, iyo Neer, iyo Naadaab,

  • 23Oo wuxuu u macaamilooday si caqli ah, oo wiilashiisii oo dhanna wuu ku kala firdhiyey magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalkii reer Yahuudah iyo kii reer Benyaamiin oo dhan, oo iyagii wuxuu siiyey cunto badan. Wuxuuna u doondoonay naago badan.

  • 30iyo curadkiisii Cabdoon ahaa, iyo Suur, iyo Qiish, iyo Bacal,

  • 5Markaasuu reerkii aabbihiis ugu tegey Coofraah, oo wuxuu isku dhagax dushiis ku laayay walaalihiis ilmo Yerubbacal oo ahaa toddobaatan qof; laakiinse garuddambayskii Yerubbacal oo ahaa Yootam ayaa hadhay, waayo, wuu dhuuntay.

  • 27Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale.

  • 11Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.

  • 15Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.

  • 7Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga?

  • 9oo wuxuu boqor uga dhigay reer Gilecaad, iyo reer Ashuur, iyo Yesreceel, iyo reer Efrayim, iyo Benyaamiin, iyo reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 30¶ Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.

  • 23iyo boqorkii Door oo ku tiil meesha ugu dheer Door, iyo boqorkii quruumaha degganaa Gilgaal,

  • 24Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.

  • 18oo idinku maanta waxaad ku kacdeen reerkii aabbahay, oo waxaad isku dhagax ku layseen wiilashiisii oo ah toddobaatan qof, oo waxaad dadkii Shekem boqor uga dhigteen Abiimeleg oo ah wiilkii addoontiisa, maxaa yeelay, isagu waa walaalkiin;)

  • 19Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.

  • 12¶ Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay.

  • 21Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey inantii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.

  • 14Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.