5Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;
6oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Kaalay oo madax noo noqo, aynu reer Cammoon la dirirnee.
7Markaasuu Yeftaah odayaashii reer Gilecaad ku yidhi, War sow ima aydnaan nebcayn oo igama aydnaan eryin reerkii aabbahay? Maxaad haatan iigu timaadeen idinkoo cidhiidhi ku jira?
8Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay ku yidhaahdeen Yeftaah, War haatan waannu kuu soo noqonnay si aad noo raacdid oo aad ula dirirtid reer Cammoon, oo madax ayaad noo noqonaysaa oo waxaad ugu sarraynaysaa dadka deggan dalka Gilecaad oo dhan.
9Markaasuu Yeftaah ku yidhi odayaashii reer Gilecaad, Haddaad mar kale dalkii iigu celisaan inaan reer Cammoon la diriro, oo Rabbigu iyaga gacanta ii soo geliyo, de markaas madax ma idiin noqonayaa?
10Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Taas Rabbigu ha ka noqdo marag inoo dhexaya; oo hubaal waxaannu yeelaynaa siduu eraygaagu yahay.
11Markaasuu Yeftaah raacay odayaashii reer Gilecaad oo dadkiina waxay isagii ka dhigteen madax iyo ugaas iyaga ka sarreeya; oo Yeftaah wuxuu hadalkiisii oo dhan Rabbiga ugu sheegay Misfaah.
12¶ Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa?
13Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi.