Xaakinnadii 2:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed waxaa kaloo aan idhi, Hortiinna kama eryi doono iyaga, laakiinse waxay idinku noqon doonaan sida qodxan dhinacyada idinkaga jirta, oo ilaahyadooduna waxay idinku noqon doonaan dabin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 33:55 : 55 Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.
  • Yash 23:13 : 13 markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.
  • Xaak 2:21 : 21 sidaas daraaddeed hadda ka dib ka eryi maayo hortooda mid ka mid ah quruumihii Yashuuca ka tegey markuu dhintay;
  • Xaak 3:6 : 6 Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.
  • Sharc 7:16 : 16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
  • Sab 106:36 : 36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
  • Bax 23:33 : 33 Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.
  • Bax 34:12 : 12 Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna,
  • 1 Boq 11:1-7 : 1 ¶ Oo Boqor Sulaymaan wuxuu jeclaaday naago badan oo qalaad, oo aan gabadhii Fircoon ahayn, naagahaas oo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo reer Siidoon, iyo reer Xeed. 2 Oo quruumahaasuna waxay ahaayeen kuwii Rabbigu reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinku ha dhex gelina, iyana yaanay idin soo dhex gelin, waayo, hubaal qalbiyadiinna waxay u jeedinayaan xagga ilaahyadooda; oo Sulaymaan kuwaasuu caashaq u qabtay. 3 Oo wuxuu lahaa toddoba boqol oo naagood oo marwooyin ah, iyo saddex boqol oo naagood oo addoommo ah; oo naagihiisiina qalbigiisii way sii jeediyeen. 4 Oo markii Sulaymaan gaboobay ayaa naagihiisii qalbigiisii u jeediyeen ilaahyo kale xaggood; oo qalbigiisuna kuma qummanayn xagga Rabbiga Ilaahiisa ahaa sidii qalbigii aabbihiis Daa'uud ahaa oo kale. 5 Waayo, Sulaymaan wuxuu raacay Cashtored oo ahayd ilaahaddii reer Siidoon, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii ay reer Cammoon caabudi jireen. 6 Oo Sulaymaan wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo dhammaantiis ma uu raacin Rabbiga sidii aabbihii Daa'uud. 7 Markaasaa Sulaymaan wuxuu meel sare uga dhisay buurtii Yeruusaalem ku hor tiil Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Molokh oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:55-56
    2 aayado
    82%

    55Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.

    56Oo sidii aan ku talaggalay inaan iyaga ku sameeyo ayaan idinka idinku samayn doonaa.

  • Bax 23:32-33
    2 aayado
    81%

    32Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

    33Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

  • 13markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.

  • 2Idinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen?

  • 12Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna,

  • Xaak 2:21-23
    3 aayado
    75%

    21sidaas daraaddeed hadda ka dib ka eryi maayo hortooda mid ka mid ah quruumihii Yashuuca ka tegey markuu dhintay;

    22si aan iyaga ugu tijaabiyo reer binu Israa'iil bal inay xajiyaan oo ku socdaan jidka Rabbiga, sidii ay awowayaashood u xajiyeen iyo in kale.

    23Sidaas daraaddeed Rabbigu wuu daayay quruumahaas, oo degdegna uma eryin; oo weliba iyagii sooma uu gelin gacantii Yashuuca.

  • Bax 23:27-30
    4 aayado
    74%

    27Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.

    28Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.

    29Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.

    30In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.

  • 30digtoonaada, yaan dabin laydinku qabsan si aad iyaga u raacdaan, markii iyaga hortiinna laga baabbi'iyo ka dib, oo ha haybsanina ilaahyadooda oo ha odhanina, War quruumahanu sidee bay ugu adeegaan ilaahyadooda? Annana sidaas oo kalaannu yeelaynaaye.

  • 23Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.

  • 12Oo waxaan idinka hor mariyey xoonkii hortiinna ka eryay iyagii oo ahaa xataa labadii boqor oo reer Amor, oo kuwaas kuma aadan eryin seeftaada iyo qaansadaada toona.

  • 10oo waxaan idinku idhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaydnaan ka baqin ilaahyada reer Amor oo aad dalkooda deggan tihiin; laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii.

  • 36Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,

  • Bax 33:2-3
    2 aayado
    71%

    2Oo waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

    3U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.

  • 71%

    16Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.

    17Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?

  • 4Oo kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale.

  • 20Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.

  • 15waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

  • 43Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo.

  • 23Oo waa inaydaan ku socon caadooyinkii quruuntii aan hortiinna ka eryayo, waayo, iyagu waxyaalahaas oo dhan ayay samayn jireen, oo sidaas daraaddeed ayaan u karhay.

  • 12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.

  • 13Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.

  • 12Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane.

  • 4Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.

  • 15Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.

  • 70%

    17waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,)

    18waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,

  • 18si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 7Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,

  • 25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 7ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale,

  • 14Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,

  • 6Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.

  • 36Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.

  • 6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

  • 29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

  • 37Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan.

  • 9Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.

  • 22Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.

  • 42Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.

  • 39Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.

  • 4Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga idinka hor eryo ka dib, qalbiga ha iska odhanina, Xaqnimadayada aawadeed ayaa Rabbigu dalkan noo keenay inaannu hantinno, waayo, Rabbigu wuxuu quruumahaas idiinka hor erya waa sharkoodii aawadiis.