Baroorashadii 5:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 40:9-9 : 9 Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan. 10 Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen. 11 Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan 12 ayay Yuhuuddii oo dhammu ka soo wada noqdeen meelihii loo kala eryay oo dhan, oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah, oo Gedalyaah bay ugu yimaadeen Misfaah, markaasay soo ururiyeen khamri iyo midhaha beergoosadka oo fara badan.
  • Yer 41:1-9 : 1 ¶ Haddaba bishii toddobaad waxaa yimid Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac, oo ka mid ahaa farcankii boqornimada iyo weliba saraakiishii boqorka, isagoo toban nin wata, oo waxay Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu yimaadeen Misfaah, oo halkaasay kibis ku wada cuneen. 2 Markaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay. 3 Oo weliba Ismaaciil wuxuu kaloo wada laayay Yuhuuddii Gedalyaah Misfaah la joogtay, iyo reer Kaldayiinkii halkaas laga helay, kuwaasoo ahaa raggii dagaalka oo dhan. 4 Oo maalintii uu Gedalyaah dilay maalintii ku laba ahayd iyadoo aan ciduna weli ogayn 5 ayaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan. 6 Oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya. 7 Oo markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen. 8 Laakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn. 9 Haddaba godkii uu Ismaaciil ku riday raggii uu Gedalyaah la laayay meydadkoodii oo dhan wuxuu ahaa kii uu Boqor Aasaa u samaystay cabsi uu ka qabay boqorkii dalka Israa'iil oo Bacshaa ahaa aawadeed, oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu godkaas ka buuxiyey kuwii uu laayay meydkoodii. 10 Markaasaa Ismaaciil wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadka hadhay oo dhan, xataa gabdhihii boqorka iyo dadkii Misfaah ku hadhay oo dhan, kuwaasoo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu u dhiibay Gedalyaah ina Ahiiqaam. Ismaaciil ina Netanyaah maxaabiis ahaan ayuu u kaxaystay, oo wuxuu u ambabbaxay inuu reer Cammoon u gudbo.
  • Yer 41:18 : 18 maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
  • Yer 42:14 : 14 oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,
  • Yer 42:16 : 16 markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.
  • Yex 4:16-17 : 16 Oo weliba wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal ogow, usha kibista ayaan Yeruusaalem ku dhex jebin doonaa, oo iyagu waxay kibista ku cuni doonaan miisaan iyo digtoonaan, oo biyahana waxay ku cabbi doonaan qiyaas iyo yaab, 17 si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.
  • Yex 12:18-19 : 18 Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab, 19 oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.
  • Xaak 6:11 : 11 ¶ Markaasaa waxaa yimid malaggii Rabbiga, oo wuxuu hoos fadhiistay geedkii ku yiil Cofraah, oo uu lahaa Yoo'aash kii reer Abiiceser; oo wiilkiisii Gidcoon ahaa ayaa sarreen ku tumayay meeshii macsaradda inuu ka qariyo reer Midyaan.
  • 2 Sam 23:17 : 17 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.

  • Bar 5:3-6
    4 aayado
    78%

    3Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen

    4Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.

    5Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.

    6Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.

  • 8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,

  • 9Kuwa seefta lagu laayo waa ka roon yihiin kuwa gaajada u le'da, Waayo, kuwanu way caatoobaan oo abaar bay u bakhtiyayaan iyagoo midhihii beeraha waayay.

  • Bar 4:18-19
    2 aayado
    74%

    18Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno. Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid.

    19Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.

  • Yash 9:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta.

    12Oo kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay:

  • 3Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.

  • Yer 6:24-25
    2 aayado
    73%

    24Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.

    25Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.

  • 3Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

  • 5Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.

  • 6Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.

  • 20Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.

  • 9Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.

  • 5Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.

  • Nex 5:2-5
    4 aayado
    71%

    2Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno.

    3Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed.

    4Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay.

    5Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.

  • 14Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono.

  • 5Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.

  • 25Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.

  • 15Seeftii dibadday joogtaa, oo belaayadii iyo abaartiina gudahay ku jiraan. Kii berrinka joogaa seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada joogaana abaar iyo belaayo ayaa baabbi'in doona.

  • 15Waayo, iyagu seef bay ka carareen, taas oo ahayd seef gal la', iyo qaanso xodan iyo dagaal aad u kulul.

  • 3Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?

  • 5Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.

  • 19Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.

  • 17si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.

  • 7Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.

  • Nex 9:36-37
    2 aayado
    69%

    36Bal eeg, annagu maanta waxaannu nahay addoommo, oo dalkii aad awowayaashayo u siisay inay midhihiisa iyo wanaaggiisa cunaan, bal eeg, annagu dhexdiisaannu addoommo ku nahaye.

    37Oo bal eeg, wuxuu midho badan u dhalaa boqorradii aad korkayaga ka yeeshay dembigayaga aawadiis; oo weliba waxay ugu taliyaan jidhkayaga iyo xoolahayagaba siday doonayaan, oo annana cidhiidhi weyn baannu ku jirnaa.

  • 23Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday? Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.

  • 12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 25Haddaba bal maxaynu u leennahay inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa.

  • 3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,

  • 5Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • 3Wuu idin hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado.

  • 15Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!

  • 10Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.

  • 11Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.

  • 29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

  • 18Laakiinse tan iyo waagii aannu iska daynay inaannu boqoradda samada foox u shidno oo aannu qurbaanno cabniin ah u daadinno, wax kastaba waannu u baahnayn, oo seef iyo abaar baannu ku baabba'nay.

  • 17Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.

  • 4Haddaynu nidhaahno, Aan magaalada galno, de markaasna magaaladii waa abaar, oo kolleyba halkaasaynu ku dhimanaynaa. Oo haddaynu halkan iska fadhinnona waynu dhimanaynaa. Haddaba ina keena oo aynu ciidanka Suuriya u baxno; oo hadday na bixiyaan, waynu noolaan, hadday na dilaanna kolleyba waynu dhiman lahayn.