Laawiyiintii 21:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 10:3 : 3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.
  • Tir 16:5 : 5 Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa.
  • Sab 65:4 : 4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
  • 1 Tes 2:10 : 10 Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.
  • 1 Tim 3:2 : 2 Sidaas daraaddeed hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ahaado mid aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo feeyigan, oo digtoon, oo sharaf leh, oo martida soo dhoweeya, oo ku wanaagsan waxbaridda;
  • Cib 7:26 : 26 ¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,
  • Laaw 21:6 : 6 Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.
  • Laaw 21:21 : 21 Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.
  • Laaw 22:20-25 : 20 Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo. 21 Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn. 22 Waa inaydaan Rabbiga u bixin ama aydaan ka dhigin qurbaan dab lagu sameeyo oo meesha allabariga loo saaro Rabbiga aawadiis neef indha la', ama mid jaban, ama mid naafo ah, ama mid qoon leh, ama mid cambaar qaba, ama mid cadho qaba. 23 Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo. 24 Waa inaydaan Rabbiga u bixin neef xiniinyihiisa la burburiyey, ama la tumay, ama la jejebiyey, ama laga gooyay, oo waa inaydaan dalkiinna sidaasoo kale ku dhex samayn. 25 Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay, iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba laydinka aqbali maayo.
  • Laaw 3:11 : 11 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.
  • Laaw 3:16 : 16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    18Waayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah,

    19ama ninkii cag jaban, ama gacan jaban,

    20ama kii tuur leh, ama kii cilin ah, ama kii ishiisu iin leedahay, ama kii cambaar qaba, ama kii cadho qaba, ama kii xiniinyihiisu burbureen.

    21Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

    22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

    23Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

    24Muuse sidaasuu kula hadlay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhanba.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Laaw 22:1-4
    4 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    4Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

  • 77%

    25Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay, iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba laydinka aqbali maayo.

    26¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 77%

    17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    18Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

    19si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.

    20Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.

    21Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn.

    22Waa inaydaan Rabbiga u bixin ama aydaan ka dhigin qurbaan dab lagu sameeyo oo meesha allabariga loo saaro Rabbiga aawadiis neef indha la', ama mid jaban, ama mid naafo ah, ama mid qoon leh, ama mid cambaar qaba, ama mid cadho qaba.

  • 21Oo haddii curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna.

  • Laaw 6:18-19
    2 aayado
    74%

    18Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

    19¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • 19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 43Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.

  • 40inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.

  • Laaw 16:2-3
    2 aayado
    71%

    2oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.

    3Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • Laaw 17:8-9
    2 aayado
    71%

    8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

    9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 11Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.

  • 10¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.

  • 2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

  • 9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

  • 6¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.

  • 16Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.

  • 21Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 6Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

  • 22Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane.

  • 31Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.