Laawiyiintii 22:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse wadaad gabadhiis hadday carmal tahay, ama la soo furay, oo ayan carruur lahayn, oo ay ku soo noqoto gurigii aabbaheed, oo ay halkaas u joogto sidii waagii ay yarayd, markaas iyadu wax ha ka cunto cuntada aabbaheed, laakiinse qof qalaadu yuusan wax ka cunin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 38:11 : 11 Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay.
  • Laaw 10:14 : 14 Oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil ay bixiyaan.
  • Tir 18:11-19 : 11 Oo adigaa iska leh qurbaanka sare loo qaado oo hadiyaddooda ah, oo ah qurbaannada la ruxruxo ee reer binu Israa'iil oo dhan. Kuwaas adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga ayaan u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno. 12 Oo saliidda inteeda ugu wanaagsan oo dhan iyo canabka iyo hadhuudhka intooda ugu wanaagsan oo dhan kuwaasoo ah midhaha ugu horreeya oo ay Rabbiga siiyaanba, ayaan adiga ku siiyey. 13 Midhaha ugu horreeya oo dalkooda oo dhan, oo ay Rabbiga u keenaan, adigaa iska lahaan doonta; oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno. 14 Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan. 15 Oo wax kasta oo maxal furo oo Rabbiga loo bixiyo, dad iyo duunyoba, waa inay kuwaaga ahaadaan, habase yeeshee dadka curadkiisa kolleyba waa inaad madax furtaa, oo xoolaha aan daahirka ahayn curadyadoodana waa inaad madax furtaa. 16 Oo kuwa la madax furayo, markay bil jiraan waa inaad ku madax furtaa, sidaad u qiimayso, lacag ah shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah (kaasu waa labaatan geeraah). 17 Laakiinse dibigii curad ah, iyo curadka idaha, iyo curadka riyaha midnaba yaan la madax furin, iyagu waa quduus; haddaba dhiiggooda waa inaad meesha allabariga ku rushaysaa, oo baruurtoodana waa inaad u gubtaa qurbaan dab lagu gubo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 18 Oo hilibkoodana waa inuu kaaga ahaadaa, oo sidii sakaarkii la ruxruxo iyo bowdadii midig adigaa iska leh. 19 Oo waxyaalaha quduuska ah oo dhan qurbaannadooda sare loo qaado oo ay reer binu Israa'iil Rabbiga u bixiyaan ayaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo taasu waa axdi cusbo ah oo weligiis Rabbiga ku hor yaal, oo uu idinla dhigtay adiga iyo farcankaaga kula jiraba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    10Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah.

    11Laakiinse haddii wadaad qof soo iibsado, kii uu lacagtiisa ku soo iibsaday wax ha ka cuno, oo intii isaga gurigiisa ku dhalatayna cuntadiisa wax ha ka cuneen.

    12Oo wadaad gabadhiis hadday nin qalaad guursato, iyadu waa inayan wax ka cunin qurbaanka sare loo qaado ee waxyaalaha quduuska ah.

  • 14Oo waxa quduuska ah haddii nin kama' ku cuno, intii uu cunay oo shan meelood loo dhigay meesheed ha ku sii daro, oo waxa quduuska ah wadaadka ha u dhiibo.

  • 9Oo wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.

  • 22Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.

  • 16Kuwanu waa qaynuunnadii Rabbigu ku amray Muuse, ee u dhexeeya nin iyo naagtiis, oo u dhexeeya aabbe iyo gabadhiis dhallinyaro ah oo guriga aabbaheed joogta.

  • Bax 21:9-10
    2 aayado
    72%

    9Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.

    10Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.

  • 71%

    13Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.

    14Waa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay.

  • 22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

  • 17Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.

  • 29Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.

  • Tir 18:10-11
    2 aayado
    70%

    10Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa.

    11Oo adigaa iska leh qurbaanka sare loo qaado oo hadiyaddooda ah, oo ah qurbaannada la ruxruxo ee reer binu Israa'iil oo dhan. Kuwaas adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga ayaan u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo mid kasta oo daahir ah oo gurigaaga joogaaba wax ha ka cuno.

  • 45Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin.

  • 30Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis marada ka bannayn.

  • 33Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

  • Laaw 21:2-3
    2 aayado
    69%

    2xigaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,

    3ama walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan; taas wuu isu nijaasayn karaa.

  • 17Amase haddaan quudkayga keligay cunay, Oo ayan agoontu wax ka cunin,

  • 8Oo gabadh kasta oo dhaxal ku leh qabiilooyinka reer binu Israa'iil middood waa inay afo u ahaato mid ka mid ah qolada qabiilka aabbaheed, si reer binu Israa'iil nin waluba u lahaado dhaxalkii awowayaashiis.

  • 11Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

  • 7Waa inayan guursan naag dhillo ah ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus buu Ilaahiis u yahay.

  • 5¶ Haddii walaalo wada deggan yihiin, oo midkood dhinto, laakiinse uusan wiil lahayn, kan dhintay naagtiisu yaanay dibadda ka guursan mid shisheeye ah. Ninkeedii walaalkiis waa inuu u guri galo oo dumaalo, oo uu ku sameeyo wixii ku habboon ninkeedii walaalkiis inuu ku sameeyo.

  • 29Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.

  • 12¶ Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan.

  • 18laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba.

  • 3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.

  • 1 Sam 21:4-5
    2 aayado
    68%

    4Markaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban.

    5Kolkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ugu jawaabay, Sida runta ah intii saddex maalmood ah naago waa nalaga dhawray, oo markii aan soo baxay ragga dhallinyarada ah weelalkoodu quduus bay ahaayeen, laakiinse in kastoo uu sodcaalku mid caadi ah yahay, bal maanta intee bay weelalkoodu quduus sii yihiin?

  • 6Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • 20Laakiinse haddii waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,

  • 31Wadaaddadu waa inayan wax iska bakhtiyey, ama wax bahal dilay haad iyo dugaag midu yahayba cunin.

  • 21Oo markaad midhaha ka soo urursatid beertaada canabka ah waa inaadan dib u soo xaaxaabin. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.

  • 9Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.

  • 21¶ Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.

  • 7¶ Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.

  • 7Oo isna markii qorraxdu dhacdo ayuu daahir noqon doonaa, oo markaas dabadeedna isagu wax ha ka cuno waxyaalaha quduuska ah, maxaa yeelay, taasu waa cuntadiisii.

  • 25Waa inaydaan cunin, si aad u nabdoonaataan idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba, markaad yeeshaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.

  • 3Qof dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,

  • 14Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.

  • 25Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay, iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba laydinka aqbali maayo.

  • 5Laakiinse haddii aabbaheed u diido maalintii uu maqlo, nidarradeedii iyo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhay midkoodna taagnaan maayo, oo Rabbiguna wuu cafiyayaa iyada, maxaa yeelay, aabbaheed baa u diiday.

  • 43¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin;

  • 25Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.

  • 8Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.

  • 4Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

  • 15Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.