Laawiyiintii 22:28
Oo sac iyo lax toona waa inaydaan ilmaheeda iyo iyada isku maalin gowracin.
Oo sac iyo lax toona waa inaydaan ilmaheeda iyo iyada isku maalin gowracin.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
26¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
27Markii uu dhasho dibi ama wan ama orgi intii toddoba maalmood ah waa inuu hooyadiis ku hoos jiraa, oo maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysana waa loo aqbali doonaa in Rabbiga loogu bixiyo qurbaan dab lagu sameeyo.
30Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.
31Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.
25Waa inaydnaan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh, oo waa inaan allabariga Iidda Kormaridda ilaa subaxda la gaadhsiin.
26Dhulkiinna midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahiinna ah geeysaan. Waa inaydnaan waxar caanaha hooyadiis ku karin.
29Oo markaad Rabbiga u bixinaysaan allabari mahadnaqid ah, waa inaad kaas u bixisaan si laydiinka aqbalo.
30Oo isla maalintaas waa in la wada cunaa, oo waa inaydaan waxba ka reebin tan iyo subaxda dambe, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
19Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.
21¶ Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.
6¶ Jidka hortaadaa haddaad ka heshid shimbir buulkeed oo geed ama dhulka ku yaal, oo ay buulka ku jiraan dhal ama ugxan iyo hooyadood oo ku fadhida dhashii ama ugxantii waa inaadan hooyada la qaadan dhasha.
7¶ Si kasta ha ahaatee waa inaad hooyada sii daysaa, laakiinse dhasha waad qaadan kartaa, inaad nabdoonaatid oo uu cimrigaagu ku dheeraado.
17¶ Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
18Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.
1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
17Laakiinse dibigii curad ah, iyo curadka idaha, iyo curadka riyaha midnaba yaan la madax furin, iyagu waa quduus; haddaba dhiiggooda waa inaad meesha allabariga ku rushaysaa, oo baruurtoodana waa inaad u gubtaa qurbaan dab lagu gubo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,
11Oo sidaas ha loo sameeyo dibi kasta, ama wan kasta oo weyn, ama wan kasta oo yar, ama orgi kasta oo yar.
19¶ Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga.
29¶ Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,
5Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan,
26¶ Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
32¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
26Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.
23Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.
27Laakiinse waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah,
23¶ Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
19si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.
20Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.
4Waa inaad wan bixisaa aroortii, wanka kalena makhribkii.
11¶ Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,
8laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,
25Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.
26¶ Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga.
2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,
10¶ Waa inaadan beer ku jeexin dibi iyo dameer wada jira.
38Haddaba waxanu waa wixii aad meesha allabariga ku dul bixin lahayd; maalin walba had iyo goor waa inaad laba wan oo sannad jira ku bixisaa.
39Wan waa inaad subaxda bixisaa, wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa.
21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.
20¶ Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
28¶ Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh.
36laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
4Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da, iyo idaha, iyo riyaha,
21Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
21Oo haddii curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin.
17¶ Waa inaadan qudh gooyn.
27Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
81Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,