Laawiyiintii 25:51

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 93%

    52Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.

    53Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.

    54Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.

  • 90%

    47¶ Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii,

    48markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa,

    49ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.

    50Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.

  • Laaw 25:24-33
    10 aayado
    87%

    24Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.

    25¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis iibiyey.

    26Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,

    27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

    28Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.

    29¶ Oo qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey, waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto.

    30Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.

    31Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.

    32Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin.

    33Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.

  • 79%

    15Oo sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax la goosto.

    16Oo waa inaad qiimaha u kordhisaa sida sannaduhu u badan yihiin, oo waa inaad qiimaha u dhintaa sida sannaduhu u yar yihiin, waayo, isagu wuxuu wax kaaga iibin doonaa sida ay tahay tirada sannadaha wax la goosanayo.

  • 78%

    17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.

    18Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.

    19Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.

    20Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan,

  • 77%

    39¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,

    40laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,

    41oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.

  • 77%

    22Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,

    23markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.

    24Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.

  • 2¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

  • 30Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.

  • 13Laakiinse isagu hadduu doonayo inuu furto, waa inuu ku sii daraa intii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed.

  • 13Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.

  • 27Oo hadduu yahay neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso.

  • 15Oo kii quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan doona.

  • 31Oo haddii qof doonayo inuu wax meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood.

  • 16Oo kuwa la madax furayo, markay bil jiraan waa inaad ku madax furtaa, sidaad u qiimayso, lacag ah shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah (kaasu waa labaatan geeraah).

  • 12¶ Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.

  • 17Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.

  • 21Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.

  • 10Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.

  • 12Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.

  • 11Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.

  • 8Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.

  • 45Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.

  • 3¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa.

  • 15Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.

  • 8Laakiinse qofku hadduu ka miskiinsan yahay intaad ku qiimaysay, markaas waa in la soo taagaa wadaadka hortiisa, oo wadaadku waa inuu qiimeeyaa, oo qofkii nidarka galay intuu awoodo waa in wadaadku ku qiimeeyaa.

  • 3Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.

  • 48Oo tiradooda dheeraadka ah lacagta lagu madax furtay waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa siisaa.