Laawiyiintii 25:54

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 21:2-3 : 2 ¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin. 3 Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa.
  • Laaw 25:40-41 : 40 laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah, 41 oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.
  • Ish 49:9 : 9 iyo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.
  • Ish 49:25 : 25 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Xataa kii xoog badan maxaabbiistiisa waa laga qaadi doonaa, oo kan laga cabsado wuxuu qabsadona waa laga samatabbixin doonaa, waayo, kii kula dirira waan la diriri doonaa, oo carruurtaadana waan badbaadin doonaa.
  • Ish 52:3 : 3 ¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 25:44-53
    10 aayado
    85%

    44Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.

    45Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.

    46Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.

    47¶ Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii,

    48markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa,

    49ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.

    50Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.

    51Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday.

    52Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.

    53Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.

  • 82%

    39¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,

    40laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,

    41oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.

    42Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.

  • 81%

    24Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.

    25¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis iibiyey.

    26Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,

    27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

    28Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.

    29¶ Oo qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey, waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto.

    30Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.

    31Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.

  • Bax 21:2-7
    6 aayado
    80%

    2¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

    3Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa.

    4Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.

    5Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,

    6de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.

    7¶ Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.

  • 78%

    12¶ Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.

    13Oo markaad xorayso waa inaadan dirin isagoo faro madhan.

  • 55Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 14Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.

  • 33Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.

  • 74%

    23markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.

    24Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.

  • 13Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.

  • 73%

    17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.

    18Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.

    19Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.

    20Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan,

  • 10Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.

  • 17Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.

  • 72%

    16Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,

    17kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.

    18Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.

  • 9in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.

  • Sharc 15:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

    2Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.

  • 27Oo hadduu yahay neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso.

  • 15Oo sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax la goosto.