Luukos 16:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 3:2 : 2 Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado.
  • Yac 1:9 : 9 ¶ Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,
  • Yac 2:5 : 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?
  • 1 Sam 2:8 : 8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.
  • Ayuub 2:7 : 7 Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun.
  • Sab 34:19 : 19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
  • Sab 73:14 : 14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
  • Ish 1:6 : 6 Madaxa iyo minjaha inta ka dhex leh innaba caafimaad ma leh, laakiinse waxaa ku yaal nabro, iyo burbur, iyo boogo cusub, lama awdin, lamana duubin, oo saliidna laguma dhayin.
  • Yer 8:22 : 22 Ma Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?
  • Luuk 16:21 : 21 oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.
  • Luuk 18:35-43 : 35 ¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay, 36 oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen. 37 Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo. 38 Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso. 39 Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso. 40 Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, 41 Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko. 42 Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. 43 Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.
  • Yoox 11:1 : 1 ¶ Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    21oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.

    22Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay.

    23Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan.

    24Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa.

    25Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa.

    26Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.

    27Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid,

  • 19¶ Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray.

  • Yoox 11:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.

    2Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.

  • Fal 3:2-3
    2 aayado
    73%

    2Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado.

    3Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan, ayuu dawarsaday iyaga.

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • 2Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba.

  • 71%

    14Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo.

    15Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo.

    16Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.

    17Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa.

  • 2 Sam 12:2-4
    3 aayado
    71%

    2Ninkii taajirka ahaa wuxuu lahaa ido iyo lo' aad u badan,

    3laakiinse ninkii miskiinka ahaa waxba ma lahayn, nayl yar mooyaane, taasoo uu mar hore soo iibsaday oo uu korsaday; waxayna la kortay isagii iyo carruurtiisii, oo wax bay ka cuntay cuntadiisii, oo koobkiisay wax kula cabtay, oo laabtiisay ku jiifsatay, waxayna u ahayd sidii gabadhiisii oo kale.

    4Waxaa ninkii taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid, laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka miskiinka ahaa, wuuna u qalay ninkii u yimid.

  • 35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 70%

    30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.

    31Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray.

  • 6¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 2Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.

  • 13Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,

  • 8¶ Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.

  • 43Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.

  • 68%

    15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

    16Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,

  • 30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

  • 12Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay.

  • 5Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?

  • 12¶ Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.

  • 56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

  • 18Markaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan.

  • 46¶ Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.

  • 20¶ Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh.

  • Luuk 21:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya.

    2Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa.

  • 36Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?

  • 3Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la' oo laxaad la' oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan.

  • 33Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay.

  • 9¶ Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.

  • 40¶ Markaasaa waxaa u yimid nin baras leh, wuuna jilba joogsaday oo baryay, oo ku yidhi, Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.

  • 23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.

  • 33Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa.