Luukos 17:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan idinku leeyahay, Habeenkaas laba nin ayaa sariir wada joogi doona; mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 24:40-41 : 40 Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa. 41 Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.
  • Yex 9:4-6 : 4 Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magaalada Yeruusaalem dhexdeeda mar, oo waxaad calaamad ku dhigtaa jaaha dadka u taahaya oo u qaylinaya waxyaalaha karaahiyada ah oo dhexdeeda lagu sameeyo oo dhan. 5 Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina. 6 Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.
  • Mal 3:16-18 : 16 Markaasaa kuwii Rabbiga ka cabsaday midkood baa midka kale la hadlay, oo Rabbiguna wuu dhegaystay oo wuu maqlay, oo hortiisa kitaab xusuuseed baa loogu qoray kuwii Rabbiga ka cabsaday, iyo kuwii magiciisa ka fiirsaday. 17 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega. 18 Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
  • Mat 24:25 : 25 Bal eega, horaan idiinku sheegaye.
  • Sab 26:9 : 9 Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
  • Sab 28:3 : 3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
  • Ish 42:9 : 9 Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.
  • Yer 45:5 : 5 Ma nafsaddaadaad waxyaalo waaweyn u doondoonaysaa? Ha doondoonin, waayo, bal ogow, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu masiibaan binu-aadmiga oo dhan ku soo dejin doonaa, laakiinse meel alla meeshii aad tagtidba naftaadaan booli ahaan kuu siin doonaa.
  • Mark 13:23 : 23 Laakiin idinku iska jira, wax walbaba horaan idiinku sheegaye.
  • Mark 14:29 : 29 Laakiin Butros ayaa ku yidhi, In kastoo kulligood kaa xumaadaan, aniguse kaa xumaan maayo.
  • Luuk 13:3 : 3 Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
  • Luuk 13:5 : 5 Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
  • Luuk 13:24 : 24 Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan.
  • Room 11:4-7 : 4 Laakiinse jawaabtii Ilaah oo u timid isaga maxay leedahay? Waxaan nafahaantayda ula hadhay toddoba kun oo nin oo aan Bacal u jilba joogsan. 5 Sidaas oo kale wakhtigan la joogona waxaa jira kuwo hadhay oo nimco lagu doortay. 6 Laakiinse haddii nimco lagu doortay, de haddaba ma aha mar dambe xagga shuqullada, haddii kalese nimcadu mar dambe nimco ma aha. 7 Waa maxay haddaba? Wixii reer binu Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey,
  • 1 Tes 4:16-17 : 16 Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, 17 dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa.
  • 2 But 2:9 : 9 Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    35Waxaana jiri doona laba naagood oo wax isla shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, tan kalena waa laga tegi doonaa.

    36Waxaana beerta ku jiri doona laba nin, mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.

    37Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Xaggee, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.

  • Mat 24:39-44
    6 aayado
    86%

    39wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

    40Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

    41Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

    42Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.

    43Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

    44Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

  • 76%

    30Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo.

    31Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.

    32Naagtii Luud xusuusta.

    33Kan doona inuu naftiisa badbaadiyo waa lumin doonaa, laakiin kan lumiya ayaa badbaadin doona.

  • Mat 24:17-19
    3 aayado
    71%

    17Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato.

    18Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

    19Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

  • 70%

    33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.

    34Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.

    35Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba,

    36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

    37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

  • 69%

    15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.

    16Kii beer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

    17Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

  • 68%

    39Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa saacadda tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo uma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

    40Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

  • 15Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay.

  • 29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,

  • 15(Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

  • 67%

    35¶ Dhexdiinnu ha xidhnaato, laambadihiinnuna ha baxaan.

    36Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco.

    37Waxaa barakaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa, oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa.

  • 17dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa.

  • 10Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay.

  • 20Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo.

  • 6Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga.

  • 2Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.

  • 1¶ Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan.

  • 66%

    35Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga.

    36Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.

  • 4Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.

  • 46addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn.

  • 11Oo haddana haddii laba wada seexdaan way iskululeeyaan, laakiinse sidee baa mid keligiis ahu u kululaan karaa?

  • 25Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen.

  • 45Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

  • 24Waayo, sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa.

  • 25Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey.

  • 29Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,

  • 30Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.

  • 51oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.