Wacdiyihii 4:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana haddii laba wada seexdaan way iskululeeyaan, laakiinse sidee baa mid keligiis ahu u kululaan karaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 1:1-4 : 1 ¶ Haddaba Boqor Daa'uud wuu gaboobay, da' buuna la dhacay, oo waxay huwiyeen dhar, laakiinse kulayl ma uu helin. 2 Sidaas daraaddeed addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Boqorow, Sayidkayagiiyow, ha laguu doono gabadh dhallinyar oo bikrad ah, oo taasu ha istaagto hortaada, waxna ha kuu tarto, oo laabtaadana ha ku jiifto, si aad kulayl u hesho, Boqorow, Sayidkayagiiyow. 3 Sidaas daraaddeed gabadh qurxoon ayay ka doondooneen dalkii Israa'iil oo dhan, oo waxay soo heleen Abiishag oo ahayd reer Shuuneem, oo taas bay boqorkii u keeneen. 4 Oo gabadhuna aad bay u qurxoonayd, oo boqorkiina wax bay u tari jirtay, oo u adeegi jirtay, laakiinse boqorku iyadii ma uu taaban.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 4:8-10
    3 aayado
    86%

    8Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

    9Laba waa ka wanaagsan yihiin mid qudha, maxaa yeelay, abaalgud wanaagsan bay hawshooda ka helaan.

    10Waayo, hadday dhacaan, mid ba wadaygiis sare u qaadi doona, laakiinse waxaa iska hoogay kii markuu dhaco keligiis ah, oo aan lahayn mid kale oo sare u qaada.

  • 12Oo hadduu nin ka adkaado mid keligiis ah kolley laba way hor joogsan doonaan. Xadhig saddex qaybood laysugu soohay dhaqso uma kala go'o.

  • 73%

    16Midba midda kale way ku dhow dahay, Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.

    17Middoodba midda kale way haysataa, Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.

  • 3Laba qof miyey wada socdaan haddaanay heshiis ahayn?

  • Maah 6:27-28
    2 aayado
    69%

    27Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?

    28Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?

  • 18¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.

  • 11Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.

  • 17Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.

  • 1 Boq 1:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Haddaba Boqor Daa'uud wuu gaboobay, da' buuna la dhacay, oo waxay huwiyeen dhar, laakiinse kulayl ma uu helin.

    2Sidaas daraaddeed addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Boqorow, Sayidkayagiiyow, ha laguu doono gabadh dhallinyar oo bikrad ah, oo taasu ha istaagto hortaada, waxna ha kuu tarto, oo laabtaadana ha ku jiifto, si aad kulayl u hesho, Boqorow, Sayidkayagiiyow.

  • 31Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.

  • 7Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan, Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.

  • 17Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay, Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.

  • 1Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!

  • 8Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh.

  • Ish 41:6-7
    2 aayado
    67%

    6Midkood waluba wuxuu caawiyey deriskiisii, oo midkood waluba wuxuu walaalkiis ku yidhi, Dhiirranow.

    7Markaasuu nijaarkii dahabtumihii dhiirrigeliyey, oo kii dubbaha wax ku simi jirayna birtumihii buu dhiirrigeliyey, isagoo leh, Laxaamaddu way wanaagsan tahay. Markaasuu masaamiir ku sii adkeeyey si ayan u dhaqdhaqaaqin.

  • 67%

    19Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,

    20Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,

  • 20Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo.

  • 24Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.

  • Yac 2:15-16
    2 aayado
    67%

    15Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin,

    16oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?

  • 11Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno.

  • 11Hase ahaatee, xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la'aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la'aanteed.

  • 18Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.

  • 34Waxaan idinku leeyahay, Habeenkaas laba nin ayaa sariir wada joogi doona; mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.

  • 14Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.

  • 6Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.

  • 24Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.

  • Mat 19:5-6
    2 aayado
    65%

    5oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?

    6Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.

  • 6Sacab muggiis oo xasilloonaan lagu helo ayaa ka wanaagsan laba sacab oo hawl iyo dabagalka dabaysha lagu helo.

  • 11¶ Oo markii niman isdiriraan, haddii mid naagtiisu u soo dhowaato si ay ninkeeda uga samatabbixiso gacanta kan isaga dilaya, hadday gacanta soo fidiso oo ay isaga xiniinyaha ku dhegto,

  • 3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • 2Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.

  • 14Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.

  • 6Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.

  • 17Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay, Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?

  • 15Waxaan arkay inta nool ee qorraxda hoosteeda socota oo dhan iyagoo la jooga barbaarka meeshiisa istaagi doona.

  • 31Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.

  • 18Oo maalintii aan umulay tii ka saddex ahayd ayay naagtanuna umushay, waannuna wada joognay, oo labadayada mooyaane cid qalaadi guriga nagulama jirin.

  • 14Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.

  • 4Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.

  • 11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

  • 18Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.