Luukos 2:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 7:14 : 14 Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.
  • Ish 53:1-2 : 1 ¶ Bal yaa warkayagii rumaystay? Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey? 2 Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko.
  • Sab 22:6 : 6 Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
  • Ish 7:11 : 11 Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare.
  • Bax 3:12 : 12 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya, oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.
  • 1 Sam 2:34 : 34 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamo, waana waxa ku dhici doona labadaada wiil ee ah Hofnii iyo Fiinexaas, oo labadooduba isku maalin bay dhiman doonaan.
  • 1 Sam 10:2-7 : 2 Maanta markaad iga tagto, waxaad laba nin ka heli doontaa qabriga Raaxeel agtiisa, kaasoo ku yaal soohdinta reer Benyaamiinka Selsax ku jira, oo waxay kugu odhan doonaan, Dameerihii aad soo doontay waa la helay, oo bal eeg, aabbahaa dameerihii wuu ka dan baxay, oo adiga aawadaa buu ka fikirayaa, oo wuxuu yidhi, Maxaan wiilkaygii u sameeyaa? 3 Oo halkaasna waad ka sii socon doontaa oo waxaad iman doontaa geedka Taaboor, oo halkaasna waxaad kula kulmi doontaa saddex nin oo u socota xagga Ilaah iyo ilaa Beytel; mid wuxuu sidaa saddex orgi oo yaryar, mid kalena wuxuu sidaa saddex xabbadood oo kibis ah, kan kalena wuxuu sidaa sibraar khamri ah. 4 Way ku salaami doonaan, oo waxay ku siin doonaan laba xabbadood oo kibis ah, oo aad gacantooda ka guddoomi doonto. 5 Oo taas dabadeedna waxaad iman doontaa buurta Ilaah, meeshaasoo ay joogaan ciidankii Falastiin, oo waxay noqon doontaa markaad magaalada timaadid inaad la kulmi doonto guuto nebiyo ah ee ka soo degaysa meesha sare iyagoo horta ku sita shareerad, iyo daf, iyo biibiile, iyo kataarad, oo iyana wax bay sii sheegi doonaan. 6 Markaasaa Ruuxa Ilaah si xoog leh kuugu soo degi doonaa, oo markaasaad iyaga wax la sii sheegi doontaa, oo waxaad u beddelmi doontaa nin kale. 7 Haddaba markii calaamooyinkaasu ku soo gaadhaan, waxaad samaysaa wixii ku soo gaadha oo dhanba, maxaa yeelay, Ilaah baa kula jira.
  • 2 Boq 19:29 : 29 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad; sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxa; oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay; sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beera canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
  • 2 Boq 20:8 : 8 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 2:5-11
    7 aayado
    85%

    5in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.

    6Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,

    7waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.

    8¶ Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.

    9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.

    10Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.

    11Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.

  • Luuk 2:13-18
    6 aayado
    84%

    13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

    14Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.

    15¶ Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.

    16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.

    17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.

    18Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.

  • Luuk 1:30-32
    3 aayado
    75%

    30Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.

    31Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.

    32Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.

  • Luuk 2:20-21
    2 aayado
    75%

    20Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.

    21¶ Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.

  • Mat 1:20-23
    4 aayado
    75%

    20Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.

    21Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.

    22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

    23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

  • 14Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.

  • Mat 2:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,

    2Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.

  • Mat 2:8-11
    4 aayado
    73%

    8Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.

    9Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,

    10oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.

    11Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah.

  • Mat 2:4-6
    3 aayado
    73%

    4Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.

    5Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,

    6Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.

  • Luuk 1:14-15
    2 aayado
    72%

    14Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,

    15waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.

  • Luuk 2:31-34
    4 aayado
    71%

    31Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,

    32Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.

    33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.

    34Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,

  • Luuk 2:27-28
    2 aayado
    71%

    27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,

    28markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,

  • 18¶ Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay.

  • 26¶ Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray

  • 35Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.

  • 2oo uur bay lahayd; wayna qaylinaysay iyadoo foolanaysa oo xanuunsanaysa oo doonaysa inay umusho.

  • 39¶ Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.

  • 13¶ Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.

  • 44Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday.

  • 79Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,

  • 23(siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga),

  • 25uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.